Home » Dhacdooyinka » Miss Colombia Ariadna Gutierrez oo si la yaab leh ku heli doonta 1 Milyan oo dollar Hadii ee Sameyso ……………….

Miss Colombia Ariadna Gutierrez oo si la yaab leh ku heli doonta 1 Milyan oo dollar Hadii ee Sameyso ……………….
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-07-16 8:09 AM

Gabahda u dhalatay dalka Colombia kuna guuleysatay quruxda aduunka Ariadna Gutierrez ayaa u muuqata mid u weecaneysa iney kasoo muuqato aflaanta dadka waaweyn ee Galmada, kadib markii ay bandhig wanaagsan ka heshay gabadhan shirkada soo saarta aflaantaas.

Shirkada Vivid oo ah shirkad kamid ah kuwa isku howla soo saarta aflaanta aan anshaxooda wanaagsaneyn ayaa dooneysa iney quruxleyda kusoo jiitaan hanti fara badan si ay ugu mid noqoto gabdhaha tirada badan ee u sameeya filimada galmada.

Miss Colombia

Ariadna ayaa heli doonta 1 Milyan oo Dollar hadii ay ogolaato iney u saxiixdo qandaraas shirkadan Vivah taas oo ku dhawaad 15 Bilood baadi goob ugu jirtay saxiixa quruxleydan kasoo jeeda dalka Colombia.

Sida maanta lagu baahiyey qaar kamid ah warbaahinadda iyo Tv yada dalalka Yurub Gutierrez ayaa u muuqata mid ogolaan doonto qandaraaskan waalida ah iyada oo kula biiri doonto sameynta aflaantaan boqolaal Jilaa oo dunida caan ka ah.