Home » Ciyaaraha » Mourinho oo kaliya qalday hal ciyaaryahan kadib markii loo soo bandhigay lana weydiiyey sawirada ciyaaryahanadiisa

Mourinho oo kaliya qalday hal ciyaaryahan kadib markii loo soo bandhigay lana weydiiyey sawirada ciyaaryahanadiisa
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-10-16 5:31 PM

39489F6A00000578-0-image-a-66_1476111766036

Jose Mourinho ayaa u muuqda ninka ugu dabacsan adduunka, sababtuna waxay tahay wuxuu si deganaan ah ugu fadhiyaa kursigiisa, halkaasoo uu lugaha isku dhaafsaday isla markaana lagu weydiiyey su’aalo qariib ah.

Intii lagu jiray barnaamijkaan cajiibka ah, waxaa la sahmiyey aqoonta fog ee uu tababarahaani u leeyahay ciyaartoydiisa Manchester United… Sawirro laga soo qaaday caruurnimadoodii ayaana loo soo bandhigay, ka hor inta uusan ka hadlin aragtidiisa ku aadan iyo cidda uu yahay ciyaaryahanka loo soo bandhigayo.

Sawirkii ugu horreeyey ee loo soo bandhigay tababarihii hore ee kooxda Chelsea wuxuu ahaa kabtanka Man United Wayne Rooney, waxaana uu 53 sanno jirkaani uga jawaabay si sahlan isagoo aan wax qalad ah sameyn.

Special One wuxuu yiri: “Wayne Rooney wuxuu ahaa cunug cajiib ah, weli waxaan ugu yeeraa cunuga cajiibka ah. Uma dhaqmo sida inuu xiddig yahay, uma dhaqmo sida inuu yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya England, ma aaminsana inuu yahay kabtan. Waa wiil aad u fiican”.

Shaqsigii xiggay ee loo soo bandhigay wuxuu ahaa Zlatan Ibrahimovic, Mourinho ayaana si sax ah uga jawaabay, wuxuuna ka hadlay markii ugu horreysay ee ay halyeeyga reer Sweden ku kulmeen Inter Milan: “Waqti dheer ka hor ayey aheyd. Waxaan aaday Inter aragtidii aan ka heystay markii hore iyo wixii aan kala kulmay farqi ayaa u dhexeeyey, waxaana ku fikiray ‘Wow, waaba uu ka fiican yahay sidii aad u maleyneysay.

“Zlatan Ibrahimovic wuxuu adduunka ka iibiyaa sawir aan aheyn muuqaalkiisa rasmiga ah, markale ayaan ku celinayaa, waa shaqsi aad u wanaagsan”.

Sawirkii seddaxaad ee tababaraha reer Portugal loo soo bandhigay wuxuu ahaa wiilka adduunka ugu qaalisan Paul Pogba oo ku dhexjiray walaalihiis, wuxuuna ku jawaabay: “Marcus. Marcus Rashford! Maya. Eric (Bailly)? Midka ugu yar waa Paul? Allah muxuu ahaa wiil aad u yar waqtigaan.

“Waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu faraxsan ee aan ku arkay kubadda cagta. Wuxuu jecel yahay nolosha, wuxuu jecel yahay cidda uu yahay. Wuxuu ku riyaaqaa xiddignimadiisa. Waa wiil aad u wanaagsan”.

Shaqsigii xiggay ee loo soo bandhigay wuxuu ahaa goolhaye David De Gea. Mourinho ayaana dib waqtiga u xusuustay: “Waxaan markii ugu horreysay la kulmay anigoo ah tababaraha Real Madrid, wuxuu waqtigaas noqonayey goolhayaha koowaad ee Atletico Madrid. Si dhaqsi ah ayaan ugu fikiray inuu yahay goolhaye fantastik ah.”

Shaqsigii ugu dambeeyey ee loo soo bandhigay wuxuu ahaa 20 sanno jirka weerarka ka ciyaara Anthony Martial. Balse wax badan iskama bedelin wiilkaan marka aad eegto sawirkiisii hore. Markii lasoo hordhigay sawirka xiddiga reer France, Mourinho wuxuu ku jawaabay: “Waa wax iska sahlan, kani waa Martial. Wuxuu u muuqdaa mid xishoonaya, laakiin marka aad si weyn ugu dabogasho noloshiisa ma xishoodo. Mana ahan shaqsi degan”.