Home » Arimaha Bulshada » Mybridge Ee iPhone Waa Macalin Horumariya Aqoonta Iyo Xirfadda Dadka Ku Shaqeeya Tiknoolajiyadda

Mybridge Ee iPhone Waa Macalin Horumariya Aqoonta Iyo Xirfadda Dadka Ku Shaqeeya Tiknoolajiyadda
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 9-08-16 11:12 AM

Haddii aad tahay qof  u  haysata  talefankaaga casriga ah in shaqadiisu ay ku kooban tahay xidhiidhka degdegga ah, isticmaalka internet ka iyo bar-kulannada bulshada, sawir qaadista, wax ka bedelka sawirrada  Waxaa hubaal ah in u baahantahay in dib aad ugu noqoto fahamkaaga arrintan la xiriirta, waayo talefannada casriga ah  ee haatan la isticmaalo waxaa ku jira adeegyo waxbarasho waxtar leh  qaarkood lacag la’aan yihiin kuwo kalana lacag  lagu furan karo Warbixintaani Ee Somalistars.net idin Turjumtay waxaan aynu ka soo xiganay Al-Carabiya,

Adeegga Mybridge oo ka mid ah adeegyada suurtogeliya in loo maro horumarinta xirfadaha tiknoolajiyaddu waxa uu qofka u fududaynayaa in uu wax badan ka barto samaynta, dhismaha, dib u habaynta iyo horumarinta baraha Internet ka (Websites ka), barashada luuqadda kombiyuutar ee barnaamijyada sida barashada HTML, Python, Jave iyo kuwa la midka ah ee arrintaas la xiriirta , waxa uu qofka siinayaa qoraalo cilmiya, oo uu si aad u heer saraysa ugu soo xulay si qofka akhriyaa uu uga barto hawlaha aynu kor ku soo xusnay.

Mybridge Waxa uu qofka siinayaa qoraallo iyo ilo waxbarasho oo faa’ido cilmiya u leh dadka shaqo raadiska ah, korna u qaadaya aqoontooda guud, gaar ahaan dhinacyada barashada gaadiid wadista, dhismaha iyo aasaaska shirkadaha bilowga ah, maalgashiga, maamulka wax-soo-saarka. Waxa kale oo intaas dheer in qofku uu ka helayo wararka ugu muhiimsan ee dhinaca tiknoolajiyadda iyo farsamooyinka casriga ah.

Ugu dambayn barnaamijkan oo faa’idooyin badan u leh qofka adeegsada talefanka iPhone iyo aaladaha kale ee shirkadda Apple waxa uu qofku ku helayaa lacag la’aan uu si bilaa shuruud ah kala soo degi karo internet, culayskiisuna waa 64.7 MB oo keliya.