Home » Arimaha Bulshada » Nasiib Badanaa: Nin ka badbaaday shil diyaaradeed oo lagu abaalmariyey 1 Milyan oo Dollar

Nasiib Badanaa: Nin ka badbaaday shil diyaaradeed oo lagu abaalmariyey 1 Milyan oo Dollar
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-08-16 1:32 PM

Waxa ay aheyd dhacdo la yaab leh kadib markii maalmihii aynu kasoo gudubnay Mohammed Basheer Abdulkader oo ah nin u dhashay dalka Hindiya uu ka bad baaday dab qabsaday diyaarad uu ku safrayey.

Mohammed Waxa uu abaalmarin ahaan u helay 1 Milyan oo Dollar kadib markii uu ka badbaaday diyaaradan dabka qabsaday sida lagu xusay wargeyska Gulf News.

62 Sanno jirkn oo ay duulimaadka ku wehlinayeen qaaar kamid ah qoyskiisa ayaa u socdaalayey dalkiisa hooyo ee Hindiya, waxaana saarnaa diyaarada Duulimaad Lambarkeeduu ahaa Boeing 777 300 oo qofood.

Shilkan dhacay ayaa sababay iney inta badan diyaaradaha Bariga dhexe isaga gooshi jiray ay hakad ku yimaadaan duulimaadyadii ay ka sameyn jireen halkaas.

Diyaarada Dabka qabsaday ayaa lasoo tabinayaa iney tahay diyaarad si gaar ah loo leeyahay iyada oo aan kamid aheyn diyaaradaha u diiwaan gashan wadanka isku taga Imaaraadka Carabta (UAE).

Ninkan u dashay dalka Hindiya oo Tikit ka diyaarada ay ka bixineysay shirkadii uu u shaqeynayey ayaa ah hadda nin Milyineer ah kadib markii uu 6 maalin gudaheed ku helay 1 Milyan oo dollar.