Home » Ciyaaraha » NATIIJO: Kooxda Manchester City Oo Ka Adkaatay Kooxda Borussia Dormund Kulan Ka Tirsanaa Tartanka ICC Cup.

NATIIJO: Kooxda Manchester City Oo Ka Adkaatay Kooxda Borussia Dormund Kulan Ka Tirsanaa Tartanka ICC Cup.
Waxaa Qoray: Cabdu Wahaab Axmed Cali /////////// Taariikh: 28-07-16 4:48 PM

Kooxda Manchester City ayaa Rigoorayaal ama goolku laadyo ku garaacday dhigeeda Borussia Dormund kulan ka tirsanaa ICC Cupka. Manchester City ayaa daqiiqadii ugu danbeeyay ee kulankan guul laga beeniyay basle waxay ugu danbayn guul ku gaadhay rekoodhayaal  6-5 ah. Aleix García , Raheem Sterling oo Man City ah ayaa laga badbaadiyay rekoodhayaashii ay tuureen isla mid ah xidigaha Dortmund ee Jacob Bruun,  Mikel Merino iyo Felix Passlack.

Tababare Guardiola ayaa kulan kale oo xiiso badan ka hor  yimid koox kale oo ree Germany ah iyada oo City kulan ka tirsanaa ICC Cupka la ciyaaraysay kooxda Borussia Dortmund kadib guuldaradii City ku soo gaadhay Allianz Arena ee kulankii Bayern Munich.

Nolito

Manchester City ayaa hore ula ciyaari lahayd kooxda Manchester United balse kulankii  Manchester Derby ayaa la kansalay cimilada Beijing oo aad u xumaatay awgeed. Dortmund ayaa kulankii hore si xun  u soo xasuuqday kooxda Manchester United waxayna markale doonaysay in Man City ay mariso dariiqii dariskeeda Red Devils ay soo marisay basle Guardiola ayaa ku fikirayay in uu tubta guusha dib ugu soo laabto. Sergio Aguero, Yaya Toure, Samir Nasri iyo Raheem Sterling ayaa dhamaan ku jiray kaydka Man City.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Dortmund (4-2-3-1): Burki; Ginter, Sokratis, Bartra, Schmelzer; Rode, Sahin; Mor, Leitner, Dembele; Ramos.

Man City (4-4-2): Caballero, Clichy, Otamendi, Adarabioyo, Kolarov, Fernando, Fernandinho, Delph, Navas, Zinchenko, Iheanacho

Kulankan ayaa inta ugu badan ahaa mid ay labada kooxood isku mari waayeen isla markaana ay fursado badan abuureen. Kulankan ayaa qaybta hore ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah inkasta oo ay labada kooxoodba abuureen fursado goolal lagu dhalin karayay.

Laakiin xamaasada kulankan ayaa sii koradhay markii uu Guardiola qaybtii danbe kursiga kaydka uga yeedhay xidigaha muhiimka ah ee kooxdiisa fasaxa ugu soo laabtay oo kala ah David Silva,  Yaya Toure, Sergio Aguero, Wilfried Bony iyo xidigo kale taas ayaana keentay in kulanku uu noqdo mid xiiso leh oo goolal laga filan karo.

Daqiiqadii 79 aad ayuu shabaqa soo taabtay Aguero oo Jamaahiirta Manchester City ayaa helay wixii ay ka filan jireen gool dhaliyahooda Sergio Leonel Agüero kaas oo kooxda Pep Guardiola hogaanka ugu dhiibay goolkii ugu horeeyay ee kulankan laga dhaliyo isaga oo waliba jabiyay ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa.City

Aguero ayaa ciyaarta shiday wuxuuna dadkii daawanayay kulanka uga dhigay mid xiiso leh. Ciyaarta ayaa noqotay 1:0 ay Man City hogaanka kula wareegtay.Kubbad sameeyaha ree Spain ee David Silva ayaana lahaa hal abuurka iyo caawinta goolka Aguero.

Daqiiqadii 85 aad Guardiola ayaa ciyaarta soo galiyay saxiixa cusub ee Nolito kaas oo kulankiisii ugu horeeyay u saftay Man City. Dhamaadkii ciyaarta Dortmund ayaa ku qaylisay in ay rekoodhe heleen kadib markii ku doodeen in Fernandinho  uu qalad ku galay Kagawa, garsooraha ayaa marka hore u muuqday in uu rekoodhe tilmaamay balse waxa uu haddaba sheegay in goolhayaha City uu kubbada soo tuurto.

Daqiiqadii 90+6 ayeey keeneen wiilasha Signal Iduna Park Ku ciyaara goolka bar baraha Waxaana Kooxda Dortmund ay dhamaadkii ciyaarta nafta iskugu keentay sidii ay uga baaqan lahayd guuldaro isla markaana ay u heli lahayd goolka barbaraha, waxaana halyayga Dortmund noqoday Christian Pulisic  kaas oo wiilasha Tuchel u keenay goolka barbaraha wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

Pulisic ayaa goolkan ku dhaliyay kubbad uu xerada ganaaxa City kaga helay   Shinji Kagawa, wuxuuna waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaartu uu ku dhamaaday barbaro 1:1 ah iyada oo Christian Pulisic uu waqtigii dhimashada guul ka beeniyay Manchester City.

NATIIJADA REGOORAYAASHA:

Sterling

Aleix García , Raheem Sterling oo Man City ah ayaa laga badbaadiyay rekoodhayaashii ay tuureen isla mid ah xidigaha Dortmund ee Jacob Bruun,  Mikel Merino iyo Felix Passlack. Manchester City ayaana guul ku gaadhay 6:5 rigoorayaal ah taas oo ka dhigan in Macalin Guardiola markale ka adkaaday kooxda Dortmund taas oo horay uu kaga soo adkaaday horyaalka Bundesliga xilligii uu kusugnaa kooxda Bayern Munich.