Home » Arimaha Bulshada » Naxdin: Tareen Socday Ayuu Daaqada Madaxa ka Taagday Kadib waxa oo la kulmay…………………..

Naxdin: Tareen Socday Ayuu Daaqada Madaxa ka Taagday Kadib waxa oo la kulmay…………………..
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 10-08-16 9:45 AM

Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ka dhiibtay daaqadda tareen uu la socday, waxaa si lama filaan ah dhinaca kale kaga yimid tareen kale oo si xawli ah ku socday oo nafta dhaafiyay.

Sky News ee dalka Ingiriiska ayaa Axaddii 7 bishan baahiyay in shirkadda Gatwick Express ee tareenada ay sheegay inuu geeriyooday mid kamid ah macaameesha shirkadda oo la socday tareen

Arintaani ayaa waxa ee ka dhacday Dhax  bartamaha caasimadda London, ninkan ayaa u geeriyooday sida ee Dhaqaatiirta sheegeyn dhaawac daran oo kasoo gaaray dhanka madaxa kadib markii uu daaqadda qoorka ka dhiibtay si lama filaan ahna uu u kadiyay tareen kale oo jiho aanuu ka fileyn kaga yimid.

Shilkan ayaa markii uu dhacay waxaa isla markiiba goobta soo gaaray gaariga booliska oo gurmadka degdeg ah wata, waxayna bilaabeen boolisku iney baaritaanu  ku sameeyaan xaaladda dhimashada iyo sida ay wax u dheceen Waxaana Halkaasi Ku Naf wayay Ninkii Daaqada Qoorta ka Dhiibtay.