Home » Arimaha Bulshada » Nin iyo Xaaskiis Ka kac Hurdada Waa La gaaray 3:00

Nin iyo Xaaskiis Ka kac Hurdada Waa La gaaray 3:00
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 1-08-16 9:57 AM

Nin iyo xaaskiisa ayaa isla diriray wexayna kala goosteen hadalka. Qofna madoonaayo qofka in uu kaga horeeyo hadalka sidey shibtaas ugu jireen waxaa dhacday ninkii in uu u baahday safar duulimaad ah misna ku beegan saacadu marka ay tahay 5:00 subax nimo.

Ninkii xaaskiisa ayuu warqad u qoray uu ku leeyahay “iga kici 3:00 habeenimo marka ay tahay si aan garoon-ka diyaaradaha  u aado”. Naagtii marka ay damacday in ay seexato ayay booskeeda ku aragtay warqadii wayna seexatay. Ninkii siduu u jiifay ayuu ka soo kacay 10:00 subaxnimo markuu fadhiistay ayuu saacada arkay kadib wuu xanaaqay misna wuxuu sii arkay warqad u saaran sariirta oo ay xaaskiisa ugu jawaabtay oo ay ku qoran tahay “3:00 waa lagaaray ee ka kac hurdada”.

Hadaba yaaqaldan labadaan lamaane?

Aragtidaadu waa muhiim