Home » Arimaha Bulshada » Nin Xaaskiisa la’aanteeda Todobo bax u aaday dalal badan oo Yurub kamid ah

Nin Xaaskiisa la’aanteeda Todobo bax u aaday dalal badan oo Yurub kamid ah
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-08-16 5:20 PM

Faizan Patel waa sawir qaadde ka yimid magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, waxa uu xilligan kaligii ku sugan yahay oo uu ku raaxeysanayaa qeybo kamid ah dalalka Yurub, waxa uuna u joogaa halkaas gudashada bisha Malabka (Honey Moon).

Si kastaba ha ahaatee Faizan ayaa xaaskiisa kaga soo tagay dalka Hindiya, labadan lamaane ee is guursaday waxa ay go’aansadeen iney ku soo galaan bishooda malabka Yurub, balse maalmo yar un kahor safarkooda ayey xaaska Faizan weysay baasaboorkeedii.

Faizan waxaa loo diiday in dib loogu celiyo lacagihii Tikit ka ay isaga iyo xaaskiisa ku aadi lahaayeen Giriiga (Greece) Talyaaniga (Italy), arintaas ayaana ku kaliftay in Sana oo ah xaaska Faizan ay ka harto safarka iyada oo u ogolaatay ninkeeda inuu kaligii iska soo dalxiisa.

“Safarkan oo idil waxaa soo qorsheysay iyada” Faizan ayaa CNN u sheegay sidaas, waxa uuna sidoo kale kusii daray hadalkiisa inuu jecel yahay xaaskiisa uuna u xiiso had iyo goorba.

Horaantii Todobaadkan ayuu Faizan soo dhigay sawir ka Boggiisa bulshada ee Twitter sida hoos ka muuqata waa isaga oo ku safrayo Tariin mise dhinaca ayey kaga dhagan tahay sawirka xaaskiisa.