Home » Arimaha Bulshada » Ninkeyga Sadax arimoodba Waxey Ku Kalifeen Inuu Wakhti Ii Waayo Sidaa Darteed Waxaan U Baahan Tallo ‘Barnaamijka Tallooyinka’.

Ninkeyga Sadax arimoodba Waxey Ku Kalifeen Inuu Wakhti Ii Waayo Sidaa Darteed Waxaan U Baahan Tallo ‘Barnaamijka Tallooyinka’.
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 15-08-16 9:17 AM

Barnaaamijka Isbuuca Iyo Tallooyinka Waxaan mar weliba kusoo qaadanaa shaqsi uu dhib ka haaysto lamaanihiisa iyo wixii kaloo nolosha la xiriiro hadaba akhristaha Somalistars.net maanta markii ad akhrisato arinkani waxaa lagaa doonayaa wixii talo ah inaad walaashaa dhanka hoose ee comments-ka aad ugu reebto

Fariintii nasoo gaartay iyo side u qorneyd.

waxaan rabaa walal wadadkyga waqti ima siiyo yacni malinkii shaquu jiraa habynkiina telphon iyo qadka uu ku mashquulaa ama ciyaaro saan usugayo ayaan iska sexan anoo xanaaqsan subuxii waxaan dhihi waxbo caro ha umuushin waana dhibsadaa arinkaas hadaan sidadban oola hadlona ilamuu fahmyo oon dhaho xitaa mararka qaar waqti masiisid xaaskaada oxitaa jimcaha ama axada malmaha fasaxa ah

wuxuu dhihi maxaa kaa maqan anigana waan dhibsady arinkaas hadan dagaal iyo dood furana waxaan ubaqayaa intuu furitaan imaado oo caruurtayda iga dhibtidaan 2cungoo ijoogto waana dhibsady inbadan chantinka uu iga mashquulo sida whatsapka viberka iyo wixii lamid ah waana nin wayn oo lama dhihi karo waa caruur illaahy aan baryaa inuu si fiican ila dhaqmo wax kale kama wayin dhaqasho iyo wixii agab ehee guriga looga baahanyahy

waayihii hore intaan telphonadaan casriga imaan saan ma ahyn wuu ila kaftmi jiry wuu jogi jiry gurigiisa wuu ikaxyn kiry bananka ani is badalin oo adeecid is hagaajin nadaafad waa sidaydii lakiin asagaa is badaly hada samirkibaa iga dhamaan rabo marka walaalaw Ibraahim ali abdi maxaad igula talunysaan waan inku badiyay qoraalka cafwan walaal mahadsanid mar labaad