Home » Ciyaaraha » Paul Scholes Oo Ugu Digay Labo Xiddig Oo Man United Ah Inay Lumin Karaan Booskooda Kooxda Koowaad

Paul Scholes Oo Ugu Digay Labo Xiddig Oo Man United Ah Inay Lumin Karaan Booskooda Kooxda Koowaad
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 29-08-16 10:48 AM

ScholesManchester United ayaa guul gaartay daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta kadib markii uu Marcus Rashford uu dhaliyey gool soo daahiyey kana saaciday iney kusoo qaataan sedexdii dhibcood garoonka KCOM Stadium.

Iyada oo ay Man United aheyd kooxda inta badan maamuleysay kubadda intii ay socotay 90 kii daqiiqo hadana kooxda Red Devills ka ayaa ku guuldarreysatay iney soo taabtaan shabaqa.

Si kastaba ha ahaatee, Daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta ayey Man United heshay fursad ay kusoo booqan karto shabaqa goolhaye Eldin Jakupovic, Marcus Rashford oo badal kusoo galay ayaana ahaa halyeygii dhaliyey goolka, kadib kubad uu ka helay Wayne Mark Rooney.

 Halyeygii hore ee kooxda Manchester United Paul Scholes oo kamid ah falanqeeyeyaasha Kanaalka BT Sports ayaa ka dhawaajiyey waxa ay u baahan tahay Man United si ay horumar u gaarto.

Paul Scholes ayaa aminsan iney tahay in kooxda ay sii heysato hogaamiye Wayne Mark Rooney, balse waxa uu ka dhawaajiyey labo ciyaaryahan oo ay macquul tahay iney booskooda waayaan hadii aysan isbadal dhaqsi ah sameyn.

“Waxaan u maleynayaa [Anthony] Martial inuu u baahan yahay inuu kubaddiisa sare u qaado” Scholes ayaa sidaas u sheegay BT Sports, “Si lamid ah Juan Mata waxa uu isna u baahan yahay inuu horumariyo qaab ciyaareedkiisa”.

“Labadan ciyaaryahan waxa ay leeyihiin awood sare, qalad ha ii fahmina, balse xilligan la joogo waxaan door bidi lahaa Marcus [Rashford] and Henrikh [Mkhitaryan] iney ka ciyaarsiiyo booska ay ka ciyaarayaan labadanm ciyaaryahan”.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Macalin Jose Mourinho uu badalay labada ciyaaryahan ee Juan Mata iyo Anthony Martial iyada oo lagu badalay Henrik Mkhitaryan iyo Marcus Rashford qeybtii dambe ee ciyaarta.