Home » Arimaha Bulshada » Qaliinkii ugu Horeyay ee Dunida ka dhaco oo ah mid Madaxa Lagu Badalaayo oo dhawaan dhici doono

Qaliinkii ugu Horeyay ee Dunida ka dhaco oo ah mid Madaxa Lagu Badalaayo oo dhawaan dhici doono
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 10-08-16 9:57 AM

Suurtogal matahay in madax lagu talaalo shakhsi kale? Bisha soo socoto ayaa suurtogal ah in la isku dayo qalliinkii ugu horreeyay  ee noocaan ah.

Valery Spiridonov , Waa Nin 30 jir, malahan  awood oo cagihiisa ku socdo, cudurka Werdnig-Hoffman disease oo ku dhacay darteed, kaas oo jirka oo dhan ka fariisiyay dhaqdhaqaaq shaqo oo aanuu qofku isnuuxin karin, nolol dabiici ahna aanuu ku noolaan karin.

Dr.Sergio Canavero ayaa ah  dhakhtarka kali ee isku dayi dooni Arintaani dadka waxay ku naaneysaan Doctor Frankenstein, waana sida uu ninkan bukaanka ahi sheegayo, waxaana qalliinkaan  la fulinayaa bisha soo socoto .

Dhakhtarka ayaa dhankiisa sheegay; inuu aad uga cabsi qabo in qalliinka noocan oo kale lagu guuleysan karo, maadaama uu yahay mid cusub horyna aan loogu tijaabin qof bani’aadam ah.

Si kastaba, ninkan bukaanka ah ee madaxiisa iyo maskaxdiisuba ay u fayowdahay ayaa go’aansaday inuu madaxiisa ku dooqo oo ugu deeqo qof kale oo bukaan ah oo aan rajo laga qabin inuu madaxiisu u fiicnaado.

Sida oo Dhaqtarkaani sheegay Waxaa arintaani in badan lagu arkay Dhowr Filim in qof madaxiisa logu xiro qof kale waxaaba sugnaa sida oo Xaalka Noqdo