Home » Arimaha Bulshada » Qiso Dhab ah: Wiil ka sheekeeyay qiso jaceyl xanuun badan.

Qiso Dhab ah: Wiil ka sheekeeyay qiso jaceyl xanuun badan.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 24-07-16 8:39 AM

Axmed waa wiil Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho, si daacad ah ayuu kaga sheekeen doonaa qisada qabsatay, sida ay ku billaabatay, waliba hadda waxa uu u baahan yahay talooyin qalbi qaboojin ah, isaga oo emailkiisa hoos idiin kugu soo raacin doonno, balse sheekadiisa ayaa sidaan ku billaabanaysa.

“Ugu horeen waxaa mahad leh allah subxaanahu watacaalaa oo ii suurta geliyay in aan maalmo badan ka dib aan helo meel aan fariintaan qalbigeyga ku duugan kula wadaago walaalahayga Soomaaliyeed, wiil iyo gabar, sababtoo ah waxaan ahay walaalkiin, hadana aad u qalbi jabay, inkastoo wax walba ay qoran yihiin”

“Magacaygu waa Axmed Kediye, waxaan ku noolahay magaalada Muqdisho, waxaan hadda jiraa 26-sano, waxaana doonayaa in qiso igu dhacday aan idiin soo gudbiyo”“Muddo hadda laga joogo 10-sano, da’deenu ahay 16-sano aan is baranay gabar markaa 14-jir ahayd, balse hadda ah 24-sano, arday baan ahaa, iskuul ayaan isla dhigan jirnay, waxaana sheeko walaalnimo ka dib na dhexmaray xiriir jaceyl, waxa uuna ahaa jaceylkii igu horeeyay ee aan yeesho, waxaan wada soconnay muddo 10-sano ah”“Nolosha billawgeenii ilaa gadaal dambe aad ayaan isugu faraxsaneen, waxay iigu dul qaadatay ardaynimada, waayo markaa ma shaqeyn jiray, waxaa jirtay qisooyin badan oo aan isla soo marnay, xitaa ehladeeda qaarkood ayaa igu nacay gabadhii aan jeclaa oo aan magaceeda awoodin inaan halkaan ku baahiyo, wey iigu samirtay, waayo Soomaalida ayaa ku maah maahday bisha oo ku jecel bakaal muxuu kaa dhibaa.

Hooyadeed iyo aabaheed ima necbeen oo aad bay ii jeclaayeen, laakiinse eedayaal iyo habaryaro baa jiray oo gabadha nin kale la damacsanaa, balse taasi ma aysan dhicin oo iyadaa garabkayga ahayd”“Wlh xaafadii ay deganeed iyo middii aan aniga deganaa jaceylkeena wuu ku baahay, waxaa noqonay dad lagu sheekeysto sanadba sanadka ka dambeysa, illa dadka qaar ay moodaan inaan is qabno, Ilaahay ayaa ii fududeeyay dugsigeygii sare, waxaana billaabay Jaamacad, sanadkii 2010 ayaa waxaa iyada loo sheegay in loo hayo Leen ama dibadda loo wadayo, wey ka madax adeegtay, waxaana ay go’aansatay aniga oo Jamacadda dhiganaya inaan is guursanno”“Run ahaantii waxaan sameeyo ayaan garan waayay iyadana waan jeclahay xoogaa waxaan diidanaa hadane qof aan mas’uuliyadeeda qaaday inaan reerkaygii ay igula noolaato, iyadoo taasi ay jirto ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaa isoo wacay hooyadeed, waxaana la iga dalbday inaan xaafadda imaado, markii aan tagay ayaa hooyadii iyo aabaheed waxay iga codsadeen inaan gabadhooda u fasaxo si leenkaasi aanu u khasaarin, laakiinse niyadda waxaa la’iigu qaboojiyay in ay aniga ii joogto xilli walba”

“Waxaan sameeyo ayaan garan waayay, waayo nafteyfa ma aysan ogoleyn qofkaan jeclahay inay iga fogaato, Wlh waa iga daacad, sheekadaan waxba kuma daraayo kamana jaraayo, waalidkii waxaan ku iri waan idiin ogoladay wax walba oo aad keceshihiin, iyadii ayaan qolkeeda ugu galay, waxaana ku iri aniga oo ka xun, Xabiibti Labadeena waan is jecelnahay, cidna nama kala geen karto, waxaan kaa baryaa in hooyo iyo Aabe aadan niyadda ka jabin, si aan duco u helno aad tooda u yeesho, diidmo ka dib wey iga aqbashay, waana xusuustaa habeenkaa ma seexan aniga Ilinna wey iga dhamaatay, maalmo ka dib waxay u baxeen iyada iyo reerkeeda Itoobiya, aniga ilaa Hargeysa ayaan la tagay markii ay gaari Addis Ababa raaceen diyaarad baan iska soo raacaym waxaa ii billawday murug, walwal joogto ah iyo feker heer aan gaaro in raashiinkii xitaa aan cuni kari waayo, sida ay ahaataba noloshaasi waan iskala qabsaday, anigane intaan Jaamacadda dhiganayay ayaan helay shaqo xafiis gelin dambe ah, waan iska shaqeysanayay, iyadana wax walba oo qalbigeeda u baahdo kama hagran sababtoo ah nafteyda ayaa ku faraxsaneyd.

Intoo ay halkaasi joogtay ayaa xoogaa isbedal yimid, sababtoo ah waxay halkaasi ku baratay asxaab kala duwan, aniga ma ogaan lahayn, laakiinse waxaan hayay Passka Email Hotmail ah oo ay isticmaali jirtay, waxaa billawday fariimo la’isku diro asxaab dibadda jirta, run iyo been waxa ay doonto ha u sheegtee, aniga xariga Kalsooniga ayaa gacmaha iga hayay, kaas oo ilahaa adiga ayeey dhab kuu jeceshahay waxaan kale waa howl iska dhallinyaro”

“Muddo markii ay sidaasi ku socotay ayaan adkeysan waayay waan wacay waxaan ku dhahay walaaley maxaad sidaas u sameynaysaa, waxayna igu dhahday adiga waxyaabahaasi waxba kaama quseeyo, aniga kalsooni igu qab”“Dhamaadka sanadkii 2010, aniga aabahay aan jeclaa baa geeriyooday, waxaa isoo kortay mas’uuliyadda reerkayga, waxaana noqday nin xil culus qaaday, sidaas ay tahay habeen iyo maalin sida iyada oo Muqdisho ila joogta ayan wici jiray, balse iyada waxaan ka dareemayay gaabis badan”“Waxbo yaan hadal idiin ku daalin, sanadkii 2003 ayeey xamar kusoo laabteen dhammaantood, sababtoo ah Leenkii ayaa socon waayay, aniga waxaan noqday nin yara shaqeystay, waxaan islahaa wey kugu farxaysaa, guurna u bandhig, laakiinse sheekada dhan ayaa is bedashay, wejiyo cusub ayaan la kulmay, wey iga diiday guur, iyadoo i leh Yurub ayaan tagayaa ilmaheena mustaqbalkooda ayaan ka fikirayaa, aniga tii baryo ahayd wlh waa iga dhamaatay, laakiinse waan iska sabray, da ayaa noogu darsan tay, caqliga wuu batay, iyada waxay billawday in rag kale ay la haasawdo, aniga asxaab meesha deggan baa warka ii keena, laakiin aniga waxaan qalbigeyga geliyaa kalsoonida ha burburin, anigane wlh blh baan ku dhaartee gabar kale xiriir iska daayee wax aan salaan ahayn isma dhaafsan sida aan jaceylkeena u ixtiraamaayay oo kaliya”

“Billowgii sanadkaan 2015 ayaa leenkii dib loogu yeeray, waxaan ku dhahay xayaati annaga maxaa inoo xal ah maadaama hadane aad baxayso, waxay igu dhahday wax walbo wey hagaagayaan, aniga ayaana jawaab wacan kusoo siin doono markii aan Adis ku laabto”“Addis ayaa la tagay markaan wada hadalnay waxaan ku dhahay haye maxaa jawaab ah, waxaa la’igu dhahay NINYAHOW WAR AAN KU SIIYO, ANIGA GUURKAAGA IYO JACEYLKAAGA HADDA DIYAAR UMA IHI, NAAG YURUB RABTO AYAAN AHAY, WAXAAN KU HAYSTAA, BARTAY NIN YURUB DEGGAN SHARCI LEH, WAXAANA RABAA INAAN MUSTAQBAL HALKAAS KA SAMEYSTO, WAXAAN DHAHAY walaley aniga 10 sano baan wada soconnay aad ayaan kuu jeclahay kaamana maarmo ee sidaas ha’igala hadlin, xitaa yurubta aad sheegayso aad anaa diyaar u ah inaan badda soo galo oo kaa daba imaado, bal eeg waligey dalkeyga inaan ka baxo ma jecleen, laakiin darteed inaan u baxo ayaan ku hamiyay, wey igu soshay, waxaana la i dhahay, WAR WAX MAKUU SHEEGAA NINYAHOW DHEGDHEGA NAGA DAA II DAN HAKAA DHACDO, SANADAHA AAD I SUGEYSAY DOQONNIMADAADA AYEEY AHAYD, TALEEFANKII WAA LA’IGU DAMIYAY, walaalkeed Xamar reer ku leh ayeey lasoo hadashay kuna tiri  U SHEEG ANIGA WAA IGA DAACAD MA RABO SOOMAALIYA DAMBANA UMA SOO SOCDO.

Run ahaantii aad baan qalbiga uga karay, waxaa jirto walaalayaal inta dhaawaceygaan fahmayso aflagaado hadal xumo iyo waxyaabo badan oo ay i dhahday, laakiin damiirka ayaa isiin waayay inaan halkaan kusii fag faago, inta aan dadaal sameyn karo waan sameeyay laakiin waa ay ii suurta geli weysay.

Go’aan ayaan ku qaatay inaan xiriir dambe sameyn, noqdo qof iska shaqeystay, dalkana ma doonayo inaan waligey meel uga baxo, ganacsi ayaan abuurtay markaan jaamacadda dhameeyay ka dib Alx, waxaan hadda ahay qof shaqeystay hanti ku filan ilaahay siiyay, laakiinse habeen iyo maalin markaan soo xusuusto waqtiga iga lumay wlh waan shalaayaa, misane ilmeeyaa, hadda aniga jaceyl uma qabo, mana doonayo nolosheedii inaan ku laabto hadii ay dhacdo in dib loo kulmo.

Maadaama aan jeclaa wlh si niyad ah ayaan u cafiyay, ilaahay ayaana talada saartay, waxaana ilaahay ka baryay in nabsigeyga uusan kasoo bixin maxaa yeelay waa gabar Soomaaliyeed, waxaana ilaahay ka baryay in wado wanaagsan ay qaado, mar kalena aysan qof sideeda oo kale ah dhaawici.

Waxyaabaha aan idiin kugu soo bandhigay fariintaan ayaa ah in marka hore aan qalbigeyga si wanaagsan ilinta uga soo dadiyo xusuus dheer aan geliyo, in waxa aan kaligey qarsanayay aan banaanka keeno si aad ila wadaagtaan.

Abaayayaasheeda Soomaaliyeed iyo Wiilasha walaalahayga Soomaaliyeed waxaan idiin ka codsanayaa inaad iska ilaalisaan nabsi inaad qof kale ka gashaan, waan idiin baryaa qof ku jecel rajo beel haku ridin waayo aad ayeey wlh u xanuun badan tahay marka qofaad jecleed ku dhaawaco.

Hadda aniga nolosheyda waa caadi, gabar kale xiriir lama sameyn, kaliya waan iska shaqeystaa xilliga nasashada waxaan iska galaa qolkeyga gaarka ah oo aan isku maa weeliyaa, igana raali noqda hadii aan ilin idiin ka keenay ama qisadaan ay xanuun idiin ku reebtay.