Home » Arimaha Bulshada » Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah: Facebook Jaceylkii Aan ka Qaaday Iyo Dhibaato Aan La Fileyn Uu Igu Reebay Bal Tanna Ila Eeg Oo Ila Tali..!!

Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah: Facebook Jaceylkii Aan ka Qaaday Iyo Dhibaato Aan La Fileyn Uu Igu Reebay Bal Tanna Ila Eeg Oo Ila Tali..!!
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-07-16 4:56 PM

Wacan oo wanaagsan dhamaad umada waynta soomaaliyeed meel kasta ee aad dunida ka joogtaanba waa idin wada salaamayaa, kuna soo dhawaada qormada isbuuca,qalinka waasuge iyo waliba Qiso Cajiib Ah.

Ma jiro qof nafsadiisa xakami karaayo marka uu soo xaadiro dareenka lagu midoobey ee loogu waqlalay jaceyl, waa ficil iyo astaan fal galay oo aan lahayn xaduud iyo xiisad gaara iyo waliba faqiir ama taajir. Maalin kasta waad maqashaa Ereyga jaceyl ama laga yaaba inuu adiga kula yahay daris laakin waxaa kale duwan qaabka uu qofka ugu soo biiro ee noloshiisa ula soo darso,kabosgo mid ka mid wadooyinka uu soo maro.

Tan iyo markii dadku kusoo xoomey aaladaha casriga ah ee dunida haatan gaadhey waxaa jirey qisoon kale duwan ee laga dhaxlay kuwaas oo ku qotoma faa,ido iyo qasaaro, dulucdeena galabta waxaan ku eegi doona macula tahay ama ma aaminsan tahay inaad jecyl u qaadi karto qof aadan aqoon hore u lahayn, isla markaana aan meel kugula noolayn lagaba yaabee inaad qaarad ku kale nooshahiin aadna u kale fogtahiin.?

Jawaabtaada adiga ayaa u ah xor laakin mid aan halkaan kuugu soo gudbinayo waa “Haa” oo macnaheedu yahay waa laga qaadi karaa, hadii aad igu diidana waa kuu go,aankaada hadii aad igu yeeshana ila mid noqo.

Baryahii hore ee aan ku soo biirey aaladaha bulshada waxaan ahaa qof usoo gala baadi goob asxaabteydii aan ku kale lunay dagaalada sokeeye ee dalka qabsadey iyo sidoo kale qof ka faa,ideysan jirey macluumadka wanaagsan ee lagu soo bandhigo qaybo ka mid ah facebooka, runtii intii aan awoodo waan ka heley baahidii igu kaliftey inaan qayb ka noqdo facebooka,balse maxaa xigey waa su,aasha mudan inaad I waydiisaan sxbo.

Maalin kasta waan soo xaadiraa goobta adeega ee facebooka waxaana arkaa dad badan ee wada qoslayo qaar kaftamayo iyo kuwa ka sheekeysanaayo xasuus waqtiyadii nolosha iyo xaafadahii lagu soo wada bar baarey ee soomaaliya, markaas baan dhankeeyga ka galay maadaama dadka soomaaliyeed mar walba yahiin kuwa iskaga dhawaw dadyowga kale ee isku dalka ah, ma jirin cabsi iyo taxadar aan kaashadey ee waan dhax galay.

Waxaan yeeshey asxaab fara badan aniga oo kaamilay xadadkii loogu tala galay ee qofka inuu ku yeesho facebooka, waxaan dhax galay nolol ka duwan midi hore waxaan iloobey qurbo iyo qabowgiisa fakarkiisa iyo waliba daalkiisa, waxan ahaa qof subax iyo habeenba dhax joogto asxaabteeda ku kala nool qaaradaha kale.

Waxuu waqtigu sidaa ahaadaba maalin maalmaha ka mid ah waxaan indhaha ku dhuftey qof aniga dhan I badalay sida dareenkeygan jawigeyga iyo waliba shaqadeyda, dabcan qofkaasi iguma cusba oo waxa uu ka mid ahaa saxaabteyda aan saa,ida iskugu fiicanahay balse muuqaalka qofkaas ayaanan waligey arkin waxaana iigu horeeysay maanta oo aan akrey, geesaha ayaan eegayaa waxaan xadayaa daawashada sawirka sida in la ii jeedo ayaan ula dhuumanayaa sawirka daawashadiisa, kolkii aan yaqiinsadey inaanan hal maalin uga dhargi karin daawashada sawirkaan, bilaa sharuud iyo amar la,aan ayaan u qaatay oo aan ula baxay waxaana geystay goob cidla ah qofna uusan joogin kalieeyna aan ku ahay, halkaas ayaan kula kulmaa mar kastoon doonayo.

Waxaan bilaabey dar dar galin ku aadan daryeel aanan horey ugu heelanayn sheeko dhaxal gal iyo waliba doonis bareer ah, su,aalo maldan iyo kuwa muuqda, waxaana si bareer ah u qaatay go,aan ahaa inaan helo qofkaan, ma jirin wax sharuud ah iyo ka fakaritaan ah ee aan iska dhaadhac yeeley ee waxaan qaaday hal wado taas oo ku bilaabata doonista kuna dhamaada helitaanka, sidaas ayaanan ku bilaabey sahankeyga.

Ma ogi halka wadadaan ku dhamaato ma hubo inaan ku guuleysan doono hadafkeyga mana xaqiijin karo qofka aan arkey inuu yahay qofka ila hadlaayo amaba aan u haysto laakin aniga waxa aan doonaaya waa in aan gacanta ku soo dhigo qof dhab ahaaneed ee sawirkaan leh hadii uuba ifka wali ku yahay xaadir, dadaal har iyo habeen ah ayaanan u galay ka mira dhalinta hamigeyga ku nool hawada hoyguna u yahay facebooka.

Dharaar iyo habeen waan wadaa war aan dhamayn, kolka aan sariirta dul tagana waxaan soo haabanayaa teleefoonka oo aan ilaa hurdo helo ku haasaawayaa, waxaan maalinba maalinta ka danbeeysa nacayaa nolosha wadanka aan joogo waxaana doonayaa aaditaanka halka uu qofkaasi ku nool yahay, waxaan iloobey oo aan hilmaamayba dhamaan asxaabteeydii aan mar kasta iyo meel kastaba iskaga war hayn jirney, waxaan uga wada maarmay waa qofka aan haysto sawirkiisa balse aan ii ogayn inaan jecelahay dartiisana dhibanahay.

Aqriste isbuuca xiga ayaan idiin kaamili doonaa qisada hadii Allaha awooda sare leh ka raali noqdo intii ka horeysana waa ismail waasuge iyo milkiilaha qisdaan oo dhamaaan idin kaga wada tagaayo caafimaad asc.!!