Home » Arimaha Bulshada » Qiso Xanun Badan: Markuu Qalay Jirkeygii !! Miyuu Qaaradaba Ka Haajirey? !!

Qiso Xanun Badan: Markuu Qalay Jirkeygii !! Miyuu Qaaradaba Ka Haajirey? !!
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-07-16 7:02 PM

sc Wb Wb:: Dhamaan Asxaabta Iyo Aqyaarta Qiimaha Badan Meel Kasta Oo Aad Dunida Ka Joogtaanba Waxan idin Wada Leenahay Subax Wanaagsan, Maalin Wanaagsan Iyo Waliba Habeen Wanaagsan Kuna Soo Dhawaada Barnaaminkeenii Xiisa Iyo Murugadaba Lahaa Eee Qormooyinka JaCeylka,Todobaadkan Sida Aaad Ujeedaanba Waxaa Miiski Inoo Saaran Cinwaan Ka Macno Duwan Kuwii Hore “Markuu Qalay JirKeygii !! Miyuu Qaaradaba Ka Haajirey !!”

Qeybihii Hore Ee Barnaamijkaan Halkaan Kasii Akhriso.
Hadaba La Socod WanaagSan Akhristoow.
Turxaan Baxin:: Qisadaan Waxaa Dhab Ahaan U Leh “Xaliimo” Oo Ah Gabar Soomaaliyed Waxeyna U Dhowran Tahay Shabakada Arimaha Bulshada Iyo Wanaaga Qoyska Ee Somalistars.net, Mar Kale Iyo Qisada Oo Inoo Daah Furanta.
“Ka Bogosho WaCan”
Waa Xili Aroor Hore Aheed Dadku inta badan u dheelmanayeen goobaha waxbarashada iyo shaqada Lakin Subaxaa Xiliima meeysan ka mid aheyn dadka dareerey oo waxeey wali jiiftaa halkii waagu ugu baryey iyo sariiirtii xalay aay seexatay, hooyo Kaaho aad beey ula yaabaneed oo dhawr jeer ku cel celisey Xaliima Hooyo Saaka Miyaad Xanuunsan tahay waa adiga kaci waayey iyo su,aalo kooban oo ku saabsanaa isbadalkan saaka lasoo darsay xaliima, Balse xaliima hadal iyo jawaab waxey ka awoodey maya hooyo waan caajisanahay,taas oo hooyo Kaaho u macno fahantey ineey la daala dhaceyso xanuunki Haweenka.
Waxaa dhibaato ugu filan niyad jab ugu filan dhibka lasoo darsey oo cidi aaysan u ogeyn iyo natiijada guracan oo aay ka dhaxashay dadaalkii ee kaga yimid wiilkii aay xariirka la laheed, tallow maxaa dhacay oo mugdiga baday Xaalima Waa Su,aal?
Xaliima waxa aay wada socdeen muddo kooban wiil ka mid ahaa dhali yarada magaalada waxaana lagu beerey JaCeyl gil giley nafteedii wax badana ka badalay go,aanadii lagu yaqaanay iyo xir xirnaashahii lagu xasuusan jirey, waxeey gaadhey heer gees ka gees magaalada la,is weeydiiyo dadkuna ku shekeeystaan waayo hadal iyo biloowgii howl iyo dhamaadkeedaba waxeey afka ku haaysaa magacii “Suheyb” ma awoodin ineey uurka wax ku qarasato oo sidii wabishii shabeele ayuu jaceylkeedi u fatahmey.
Waxaa hubaal ah inuu suheyb ahaa tan qabee tanna daa umana aaysan xisaabnaan jirin hablaha uu la haasaawo iyo tiradooda waxuuna ku caan baxay xasuuqa iyo ku xad gudbida dumarka asagoo ku qaraaban jirey wajiyo fara badan ee kusoo aruurayo jaceyl, si kastaba ha noqotee Suheyb waxuu la kulmi jirey natiijooyin fara badan asagoo marna ku guleysan jirey ola olahiisa marna ku go,doomi jirey,sidaa oo aay tahay kalama uusan jeclaan jirin guul iyo guul dara labadaba,maxaa yeeley waxaad barato waa baaskaa beentada iyo runtaada oo aad kale garan weeysana waxeey kugu beertaa inaadan kale garan dhadhanka aduunyada.
Xaliima jaceylkii aay u qaaday suheyb waxuu gaarey heer la meher Qarsado oo lala haasawo wadaago waqtina lala qaato ilaa markii danbe ay uur qaado/Yeelato,markii aay yaqiinsatay hubisay ineey uur leedahay waxeey ula carartay dhankaa iyo suheyb si ay ula qeysato farxadaan lasoo darastay iyo natiijadaan ka timid kulamadii dhaxdooda ahaa,sida aaynu wada oganahay ma jrto maalin uu noole Gaar Ahaana Aaadahana kaga farxad Iyo Damaashaad badan yahay uur galida ubadkooda iyo dhalashadodaba balse lax dhukan abaar moog oo xaliimawaxey Kol Key Bari U Heestey waxaa Looga Heesey Koofur, Tallow Maxa La Yidhi?
Suheyb: Ma filayo inaan ku farxay hadalkaada,manaba jirto sabab aan ugu farxo,kama xumaanayo hadalkaan oo wax waliba way dhaceen haatana meel aan ka qabto ma joogo,in kasta oo aanu diidaneen milkiyada iyo lahaanshaha uurkaaada hadana maanta iyo bari uma diyaar ahi inaan wax kaala qabto,waxaa intaa sii dheer inaanan kuu balan qaadi karin la kulanka waalidkaada iyo inaan ka wada munaaqshoono sidii aan ugu kuur gali laheyn mustaqbalkeena iyo gurigeeni aduun,bal hada waan mashquul sanahay ee orod oo igu soo laabo laba maalin ka dib ina sii waqti aan ku fakaro waxii natiijo oo aan gaarana dib ayaan kaala soo socodsiin Xaalima, Waxuu Bilaabey DhaQamadiisii Foosha Xumaa Iyo Hadalkiisa Qayirnaa Bal Maxaa Xigi Doono Aqristow?.
Waxa xaqiiqa ah in xaliima isku taagtey oodin waana sababta markii uu dhididkeeda u qulqulayey ayada dhabanada gacmaha klu haaysa ayey kasoo baxday qolki lagu gowracay waxeeyna dib u eegeeysay si muga leh sariirtii iyo muuqaalkii suheyb, waa yaab iyo cibaaro aduun gabdhii reerka usoo ban baxday hadii aay ku hana qaaday mustaqbal cirib go,an iyo hadalo qalafsan.
Suheyb: waxuu galay shir deg deg ah oo asaga u gaar ahaa dabadeedna waxuu go,aan saday ha haajirada dalka asagoo diidanaa inuu usoo joogo ama soo xaadiro goobta hadalku ka furmi doono iyo falaqanqeeynta gabadhii uu u dhaxay masana aheed xaskisa kadiban subaxiiba waxuu abaarey boosteejadii gawaarida.
Asagoo ka gudbay xadka soomaalia iyo keeyna hawadana ka baxay, sidii mudada iyo balankaba aheed waxaa la gaarey waqtigii xaliima wax soo xariiriyo beey weeysey waa qof dhibana ahe ayada baa dhaqaajisey oo aadey gurigii iyo reerkii suheyb,lakin jawabta aay ka dhaxashay waxey aheed mid aaysan iloobi doonin, waxaaana lagu yidhi suheyb tegyey oo dalka ka baxyey walaal miyuusan kuu sheegin ayadoo hooyo cowrala oo aheed Suheyb hooyadiina si ku dhaga hadal ah ku kaheed,aduun dib u xumaa wiil shalay tagey beey saacadaan baadi goobeeysa oo maba la rabee maxeey ka daba jirineeysaa,walee iyo walee kale duwan dumarkii hore iyo kuwa haatan dunida kusoo biirey yaab badanaa.
Qoraal laguma soo koobi karo dhibka,naxtinta,tajiida xumida lasoo daristey xaliima waxeeyna dib ugu laabatay halkii iyo hoygi aay ka timid ayadoo qubaneeyso ilmada jirkuna wada dubaaxinayo,malainba maalinta ka danbeeysa weey sii quustaa oo daaal iyo haraad sii gashaa ilaa maalinkii danbe aay sariirti kasoo dul kaci weeyso ilmada ka timidna waxeey gaafeeysey wajigeedi iyo dhabankii qurxanaa ilaa ay qaadato indho shareer markii danbe, tallow maxaa xigi doono ka dib soo if baxida uurka xaliima !!?
Maalinkii oo dhan xaliima qolka banaankiisa meeysan imaan markii danbe hooyo kaaho baa u gashay oo ku tidhi heedhe xaliima xaalkaada uma bagine sidee wax kaa yahiin hooyo, ii sheek maxaa iiga kaa dhacay si diiran iyo xod xodosho leh si loo helo xogta iyo xaqiiqda dhabta ah ee xaliima ku sugan tahay dababdeedna xaliima waxeey sheegtey sida aay wax u dhaceen oo kale dhig dhigetey halkiina waxaa ka biloowdey hoog,ba,ilimo iyo waliba habaar aanan waligeed lagu habaarin xaliima hooyo kaaho oo madaxa gacmaha ku haaystana dibada ayeey uga baxday aqalkii oo fariisatay banaanka ayadoo kada loobsatay Qoraxdii iyo kuleelkii hu duhurnimo,..
Xaliimana intaa iyo kasii daran ayeey ku jireteyoo qudheedu xanuunka maamada haya mid ka daran baa haayey, ma jiri karto wado loogu hagaago iyo xal laga gaari karo xaalada qaloocan ee xaliima hayasato waayo reerkii wiilka hadiii loo taggo maxaa lagu odhan,maadaama wiilkiina tagey ciidina waxba uusan u sheegin waa afka gacanta saar ee eebso noloshaada,waxaa intaa kasii daran dadkii dariska ahaa iyo doodii magaalada oo mar qura noqotay diiwaanka xaliima bes.
Si Kastaba ha noqotee xaliima haduu jiro dhib aduun weey dhaxasahy markii danbe oo suheyb dib loo heleyna hadal waxuu ka bilaabey waqrad baan kuu soo dirayaa waxuuna kusoo gaba gabeeyey waan ku furey asagoo teleefoonkiina iska jarey halkii namber ee loogu hagaagi lahaana hawada ka saarey oo iska tuurey, uma maleynayo inuu jiro noole ka nasiib daran kana ayaan xun xaliima, ilaa go,aankeeda uu gaaro ineey ku fakarto isdil iyo nafta is dhaafi,lakin markii danbe talo waalid iyo tii dadkii ka jiir naxayey waxaa loo sheegey ineey tiraahdo alx calaa kuli xaal aduunkeedana la heehaabto ilxumada iyo aafadaan u gaarka ah.
Waxaa Dhashay “NaaSir” oo wax ka badalay noloshii Hooyo xaliiima una furey albaab cusub iyo jawi ka roon kii hore ayadoo dhabta saaratay wiilkeedii gudatana waajibaadkii hooyonimo ilaa uu bar baarey Naasir oo sanadba sanadka ka danbeeyo u koro sidii ubax heley waraab buuxa lagana dhowrey haraad iyo xanaano daro waxaana Hooyo Xaliima usoo laabatey niyadii aduun.
Buugii iyo baalala fara badan oo aay qortey waxeey ku cadeeysey kuna hubisey ineeysan nin danbe la wadaagin haasaawe iyo hadal ayadoo wiilkeeda Naasirna ku tiri hooyo adiga baa iiga filan aduun xanuuna kii aabaha baa iiga filan koonka mar danbe ma guursan doono adigana allaha ii kaa deeysto,aabahaana waxaan leeyahay ifka hibbo ku nooloow aakhirana halkii Roon.!!
Afka way ka tiri oo ma aaysan habaar badin Suheyb lakin uurka iyo xaqiiqda jirtaahi maheyn hadalka kasoo yeerey afkeeda oo daqiiqad waliba waxeey xasuustaa waxii dhaacy ilinta ayaa iska soo daadadta bal xisaabi imisa jeer beey ilmeeysay,bal ogoow hooyadii dhashay baa darteed u ilmeeysay bal xasuuso hadalkii foosha xumaa ee lagu yiri markii aay tegtey gurigi Suheyb.
Intaas oo dhib ah qofka geeystey miyaa aduunyo ladi doono farxad mase gaari doono hormar iyo badhaahe aduun waa maya waqtigi, nasbsigii, walaacii, ilintii, ilxumadii, rafaadkii, jah wareerkii, ciilkii, yaabkii, xanuunkii foosha, culeeyskii naasir iyo dhamaan cibaaradii aduunka waxey soo gar gurtaanba waxeey guriga uga soo galeen Suheyb oo maalin maalmaha ka mid ah Qabsadeen.
Waxaa ku dheeraatay noloshii qurbaha gaar ahaan wadanki kenya, waxuuna yeeshey balwado fara badan iyo xad gudubyo joogt ah maalinkii danbe waxaa galay qaboow waxuuna isku badalay TB tiibisho waxuun agaarey heer la karantiilo oo kaligii lagu xareeyo qol, ilaa markii danbe uu daxaleysto oo gudaha ka maaleeysto waayo intii dawo aay laheed wuu qarsaday waxaana loo sheegey inuusan laheyn rajjo aruun oo sidaan u buudhan, waxaa intaa usii dheer in nolosha keyna aad kawad war haaysan oo qof kaligii ah hadan aan waalid iyo walaalo laheyn hadana sii xanuunsadey uusan heli karin daryeel iyo dadaal toona, waxaana uu noqdey mid aruurey oo gabay raja aduun waxuuna u xiisey dhimasho waa nolosha qaarkeed waxaa dhaanta dhimashada !!.
Halka Hooyo Xaliima Iyo Wiilkeedi NaaSirna Maalinba Maalinta Ka Danbeeysey Ku Taamayaan Nolo Aduun Iyo HorMarkeda ugu danbeeyntiina Suheyb waxaa dib loogu soo celiyey gudaha dalka soomaaliyaa asagoo la soo hoos dhigey Hooyadii Dhashay, Waqtigii iyo markii la sugaayey in lagu intifaacsado ayaa hooyadiis loo geeyey asagoo wali u baahan daryeel ma waxaa jiro rafaad iyo nolol xumo kale oo u dhiman waa maya,Xaliima wali maysan jarin xariirkiisi oo wali booqashadiisi may joojin ilaa maaalinkii danbe aay kasoo socdaasho kana soo tagto wadankii mooyaane halka Suheyb wali bukaan Socod yahay. END!!!..
Fadlan Ku Cibri Qaado Oo Hadii Aad Tahay Ama Ku Fakareyso Talaabo NuuCaan Ah Iska Iiloow Wiil Iyo Gabar Ba Una Duceey Walaalkeen Soomaaliyeed Weeya Suheyb Inuu Alle Siiyo Caafimaad Iyo Bogsasho Buux Deg Deg Ah MahadSanid.