Home » Dhacdooyinka » Qof La Xiray Kadib Dhimashadii Xidigtii Xeebta Geordie.

Qof La Xiray Kadib Dhimashadii Xidigtii Xeebta Geordie.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-07-16 9:13 AM

Nin Ayaa Laxiray Kadib Markii Lagu Soo Eedeeyay Inuu Isku Dayay Inuu Shirqoolo Gabadh Model oo Kaqayb Gashay Barnaamijka Reality T-Series Taasoo Dhimatay Kadib Markii Ay Kasoo Dhacday Dabaq Dhoor Biyaano ah.

Aime Spencer oo 27Jir Ah Ayaa Dhaawacantay Kadib Markii Ay Kasoo Dhacday Daaqada Dabaqa Koowaad ee Chichester Terrace 9ka habeenkii Isiinta july,11 Magaalada Brightin ee Ku Taala Bariga Sussex.

Ms Spencer oo Looga Yaqaan Masraxa Carla Mai Ayaa Udhimatay Dhaawacyadii Soo Gaaray Isbuuc Kadib Markii Ladhigay Isbitaalka Dhexe ee Sussex.

28Jirka La Tuhmay Ayaa Kasoo Jeeda Magaalada Brighton.

Qof Uhadlay Booliiska Sussex Ayaa Yiri’Saraakiisha Booliiska Waxay Wadaan Baaritaano Ay Ku Ogaanayaan Waxa Sababay Inay Daaqada Dabaqa Kasoo Dhacdo”.

Daria Spencer oo Ah Gabadha Dhimatay Walaasheeda ayaa Twitterka Kusoo Qortay:”Ma Aamini Karo In Walaasheey Naga Baxday,Waxay Qabanaysay Howl Layaab Leh,Waan Jeclaan Doonaa Weligeey”.