Home » Maxaa Cusub » Roma Oo Markaan Xiddig Muhiim Ah Ka Soo Qaadaneysa Kooxda Lacagta Manchester City (Tolow Waa Kee???)

Roma Oo Markaan Xiddig Muhiim Ah Ka Soo Qaadaneysa Kooxda Lacagta Manchester City (Tolow Waa Kee???)
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 3-07-16 6:45 PM

Kooxda Roma ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa daafaca midig ee kooxda Manchester city Pablo Zabaleta, kaasi oo diyaar u ah in uu ka tago Kooxda Lacagta .

Daafaca midig ee xulka Qaranka Argentina Pablo Zabaleta ayaa sidoo kale lala Xiriirinayaa Kooxo ay ka mid yihiin FC Sevilla iyo Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan oo sidoo kale u hanqal taagaysa adeega Cayaariyahan Pablo Zabaleta.

Sida ay ku waramayso Jariirada Metro, Wakiilka Cayaariyahan Zabaleta ayaa maalmaha soo aadan kulan kula qaadan doona Caasimada Wadanka Talyaaniga ee Roma Hogaamiyaha Kooxda Giallorossi Luciano Spalletti si uu u xaqiijiyo imaatinkiisa garoonka Stadio Olimpico.

Pablo Zabaleta ayaa qandaraaskiisa gagida Etihad Stadium ay kaga harsan tahay wax ka yar 1-sanno taaso oo ku riixaysa in Roma ay soo dhamaystirto hishiiskiisa maalmaha so aadan.

Zabaleta ayaa Manchester City lasoo qaaday koobka horyaalka Premier League-ha laba jeer waxaana uu haatan doonayaa inuu boos badasho maadaama kooxda uu yimi tababare Pep Guardiola.