Home » Bollywood » Salman Khan oo kamid noqday 10 jilaa ee loogu doonista badan yahay Bollywood Yaa kale oo ku wehliya. (Warbixin).

Salman Khan oo kamid noqday 10 jilaa ee loogu doonista badan yahay Bollywood Yaa kale oo ku wehliya. (Warbixin).
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-07-16 8:18 AM

Jilaagii jilay Film ka Dabangg ayaa noqday mid ku wehliya Shah Rukh Khan, Akshay Kumar iyo Amitabh Bachchan. Tamil superstar Rajinikanth shanta qof ee ugu sareysa ee laga raadiyo web ka wax laga baarto ee Google.

Hrithik Roshan, Shahid Kapoor, Ranbir Kapoor, Aamir Khan iyo Emraan Hashmi ayaa sidoo kale soo buuxiyey liiska 10 jilaa ee loogu baarista badan yahay xilligan guud ahaan caalamka, Halka Katrina Kaif, Kareena Kapoor, Kajal Agarwal, Deepika Padukone, Aishwarya Rai, Priyanka Chopra, Tamannaah Bhatia, Alia Bhatt iyo Sonakshi Sinha ay dhanka hablaha Bollywood ka iyagana ay kasoo muuqdeen.

Film sameeye Prabhu Deva ayaa hogaanka u qabtay dhanka raadinta Direktarada loogu baarista badan waxa uuna kaga hormaray liiskan Karan Johar, Farhan Akhtar Raj Kapoor, Ram Gopal Varma, Farah Khan.

Film ka uu hogaamiyaha ka yahay Aamir Khan ee PK ayaa noqday film ka loogu baarista badan yahay 10 kii sano ee lasoo dhaafay waxana uu ku garaacay Film ka PK liiskan filimada kala ah “Kahaani”, “Baahubali”, “Aashiqui 2”, “Dhoom 3”, “Kick”, “Bajrangi Bhaijaan”, “Happy New Year”, “Hero” and “Ek Villian”.

Sidoo kale barnaamijka Big B ayaa noqday barnaamijka loogu doonista badan yahay dhanka Google halka Rekha uu sidoo kale soo wehliyey.

Ugu dambeyn Raabeeye Honey Singh ayaa loo calaamadeeyey inuu yahay heesaaga loogu jecel yahay dhanka raadinta Google ka waxa uuna raabeeyahan ku garaacay liiskan Atif Aslam, Arijit Singh, Lata Mangeshkar, Sonu Nigam, Kishore Kumar, Shreya Ghoshal, Kumar Sanu, Himesh Reshammiya iyo Sunidhi Chauhan.