Home » Bollywood » Salman Khan oo talo ku aadan film ka la wada sugi la’yahay ee Dangal usoo jeediyey saaxiibkiisa Aamir Khan

Salman Khan oo talo ku aadan film ka la wada sugi la’yahay ee Dangal usoo jeediyey saaxiibkiisa Aamir Khan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-07-16 11:31 AM

Super Stars ka weyn ee Salman Khan ayaa ka dhawaajiyey inuu waaniyey saaxiibkiisa Aamir Khan isaga oo kula taliyey inuusan kusoo bandhigin film kiisa Dangal wax Six-Pack.

Wararka soo baxayo ayaa sheegayo in Aamir Khan uu weli ku howlan yahay sameynta film ka Dangal kaas oo duubistiisa goor sii horeysay la bilaabay.

“Waxaan daawaday qeyb ka mid goos gooska film ka waana mid wanaagsan. waa inaan sugaa oo aan fiiriyaa qeybta uu Aamir Khan film ka ku leeyahay. waxaan siiyey talo waxaan ku dhahay ha sameysan Murqaha caloosha ee Six-pack wallow film ka qeyb lagdin uu leeyahay”.

“Qof waliba waxa uu hadal hayey film ka Dangal kahor film ka Sultan” Salman Khan ayaa sidaas xusay.
Jilaagii Film ka PK ayaase ugu jawaab celiyey in Jilaaga Bajrangi Bhaijaan uu yahay Jilaa ka xidigsan isaga.