Home » Bollywood » Sedexda Khans oo 2017 Filimo U Sameyn Donaan Shirkada Yash Raj Films

Sedexda Khans oo 2017 Filimo U Sameyn Donaan Shirkada Yash Raj Films
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 15-08-16 9:12 AM

Waa sedexda kali ugu awooda badan Bollywoodka Xiliga aanu haatan taagan nahnay waxaana la hadal hayaa in Sedexdaani filim u sameyn donaan Shirkada baacada weyn ee Yash Raj Films oo Hogaaamiyaha ka yahay Aditya Chopra  sanadka 2017

Shahrukh Khan oo in badan la soo shaqeyay shirkadaani ayaa la filayaa in oo hogaamiyo filimka Taariikh ah aan wili la shaacin Magaciisa xidigaan ayaa ku dagaalami doono Seef waana filim Fardo lagu arki doono .

Aamir Khan ayaa dhankiisa aqbalay in oo sameyo filimka baacada weyn ee Thug waxaa xaquuqda filimkaani leh shirkada Yash Raj Film waxaana Director ka ah Ninka lagu magacaabo  Vijay Krishna Acharya  filimkaani ayaa lagu sameyn doono Lacago qaali ah .

Boqorka Bollywoodka Salman Khan ayaa Asna shirkadaani u sameyn doono  filimka Ek Tha Tiger qeybtiisa labaad ee Tiger Zinda Hai waana filim xiiso gooni leh Katrina Kaif ayaa ka ah Atariishada Kowaad ee filimkaani.

Sedexdaan Khans ayaa lagu kale saari doono midka noqon doono xidiga sanadka ee Bollywoodka ugu heesto waxaana sugnaa 2017 mid kasta Bandhiga oo la soo bixi doono