Home » Arimaha Bulshada » Shabakadda Facebook Oo Soosaaray Barnaamij cusub Oo Ku Ilowsiinayo Jaceylkaagii Hore

Shabakadda Facebook Oo Soosaaray Barnaamij cusub Oo Ku Ilowsiinayo Jaceylkaagii Hore
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 20-07-16 11:47 AM

Shirkadda Facebook ayaa waxay kusoo dartay barnaamijyadeedii hore barnaamij cusub oo ay uga golleedahay  inay dadka ku garab siiyso ilowga jaceylkoodii hore, dadkaas oo doonaya inay is ilowsiiyaan Jacelkoodii hore isla markaana jecel inaanay dib u arkin sawirkooda .

Barnaamijkan ayaa laga galyaa  “on this day” isagoo kuu oglaanayo inaad shaqsiga aad doonto iska xanibto isla markaana aad u diido inay marlabaad sawirkooda aad ku aragto Facebook-gaaga.

Qaabka aad u isticmaaleyso:

  1. Gal Facebook kadib dooro bayjka on this dhay (Facebook/onthisday).
  2. Waxaad ku dhufataa Prefavences oo kaaga muuqanyo shaashada dhankeeda midig.
  3. Waxaad ku dhufataa Edit kadib marka aad doorato shakhsiga aad dooneyso inaad iska Masaxdo ama waqti gooni ah oo aad iska xayirto.
  4. Tirada dadka aad rabtid inaad iska xanibto ayaad khaanada galineysaa kadibna waxaaad leedahay Save , markaa kadib qofka aad iska xayirtay mardambe arki maysid.