Home » Arimaha Bulshada » Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)

Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 4-08-16 9:45 PM

Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa noqday qofkii ugu horreyay ee ku guuleysta inuu kasoo boodo diyaarad 7260 mitir dhanka cirka socota si nabad ahna dhulka usoo gaara isagoo aan wadan wax dallad ah ama baarashuud ah. Daqiiqado waalli ah oo ay sawireen Camerooyinka dadkii saaxiibada la ahaa Naftii huraha.

Ninkana ayaa waxaa markii hore uu la socday 3 nin oo dadka dallaayadaha ku booda ah oo baarashood watay, ninkan oo 42 sano jir ah ayaa ugu dambeyn waxaa la arkayaa in mar qura garabkiisa laga baxayo oo raggii uu la socday ay ka harayaan, waxaad arkaysaa inuu dhulku si xoog ah u jiidanyo oo aad moodeyso inuu soo dhacayo, laakiin ugu dambeyn shabaq weyn oo loogu talagalay inuu markii hore kusoo dhaco ayuu kusoo dul dhacayaa, taas oo keentay inaan wax dhaawac ahi soo gaarin, maadaama horey naftiisa looga taxadaray.

Eakins ayaa markii uu tijaabada ku guuleystay waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay , waxaanuu yiri in bootinteydani guuleysato waa arrin cajiib ah oo aad u wanaagsan.

Halkan Hoose ka Daawo: