Home » Arimaha Bulshada » SHEEKO CUSUB: Maxaad Kala Socotaa 10-ka Calan Ee Dunida Ugu Quruxda Badan

SHEEKO CUSUB: Maxaad Kala Socotaa 10-ka Calan Ee Dunida Ugu Quruxda Badan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-09-16 5:54 PM

somalia_flag

Calanku ama bandiiradu waa cadeynta qaranimo ee dalka Ama dad ay leeyihiin, umad waliba ama qarab waliba oo dunida jira waxay lee yihiin calan iyo astaan u gooni ah, sidaa darteeda calamada wadamada dunida inta badan waxay ka kooban yihiin midabo badan balse quruxda calamada waxay ku xiran tahay sida uu yahay iyo inta midab ee uu ka kooban yahay.

Tusaale calankeena buluga ah waxaa uu ka kooban yahay laba midab oo ah buluug iyo cadaan sidaa darteeda waxaa uuu qeyb ka yahay calamada ugu quruxda  badan dunida si lamid ah bandiirada wadanka Canada ayaa qeyb ka ah wadamada ugu bandiirada qurxooda koonkaan aynu dulsaaranahay.

Waxaan idin soo gudbin doonaa cod bixin laga qaaday kumanaan qofood oo ku kala nool dunida dacaladeeda sidaa darteeda waa kan 10 ka calan ee dunida ugu quruxda badan iyo codadka ay heleen iyadoo dhanka kale aan idin so gudbinayno dadka kasoo horjeestay codbixintaas oo aan u riyaaqsaneen codbixintaas.

10. Australia:

beautiful flags

Wadanka Australia  ayaa kasoo tiigsatay kaalinta 10-kala ssareynta wadamada ugu calanka qurxoon dunida

Dadka Diidan in calankan uu yahay midka 10-aad waa: 199
Dadka aaminsan in uu yahay mid u qalma kaalintaan: 366

9. India:

worlds beautiful flags

India ayaa qeyb ka ah dalalka ugu calanka qurxoon dunida iyadoo soo tiigsatay kaalinta 9-aad
Dadka Diidan in calankan uu yahay midka 9-aad waa 218
Dadka u riyaaqsan kaalintan 9-aad in ay India u qalmaan waa 395

Hadaba yaan hadal idinku daalininee waakan liiska wadamada iyo sida ay ugu jiraan kala sareynta.

Liiska Wadamada Iyo Codeyn :

Kaalinta Magaca Dalka Booska Cod Bixinta
1 Mexico 799
2 United Kingdom 481
3 Canada 439
4 Brazil 411
5 Pakistan 391
6 Portugal 379
7 Somalia 344
8 Spain 223
9 India 218
10 Australia 199