Home » Arimaha Bulshada » SHEEKO CUSUB: Wali Ma Aragtay Heestii Laga Daba Dhacay Ee alka yagnik Oo Af Soomali Loo Badalay, Yaa Rogay Inteese Daawatay Muuqaalka Heestaas Hindiga Ah Ee Af Somali ga Laga Dhigay.

SHEEKO CUSUB: Wali Ma Aragtay Heestii Laga Daba Dhacay Ee alka yagnik Oo Af Soomali Loo Badalay, Yaa Rogay Inteese Daawatay Muuqaalka Heestaas Hindiga Ah Ee Af Somali ga Laga Dhigay.
Waxaa Qoray: Cabdu Wahaab Axmed Cali /////////// Taariikh: 28-07-16 4:27 PM

Somalida iyo Hindida marka la fiiriyo Qaab dhawaaqa Musiga waxaa la sheegaa inay yihiin Mataano Meelo badan iskaga eg, waxana jira in fanaaniinta Somalida ay u fududahay inay si dhib yar ay u rogaan heesaha Hindiga kuwaas oo dadyoowga caalamka ay u arkaan mid aad u adag.

Heesta caanka ah ee alka yagnik ayaa qeyb ka ahayd Albumadii Heesaha ahaa ee ku jiray filimkii caanka baxay ee dil kya kare kaas oo lasoo saaray Masraxyada Bollywood ka sanadkii 1999 kii waxayna qeyb ka tahay Heesaha ugu caansan ee la qaaday dhamaadkii qarnigii aynu macsalaameeynay ee 20 aad.

Musiga heestaas saaran waxaa uu yahay mid dad badan dhagahooda markay maqlaan u riyaaqa misana la dhag raariciya hadana Abwaanka Soomaliyeed ee lagu magaaco Salmaan maxamed kuna magac dheer Salmaan saanuu ayaa isku dayay inuu badalo heestaas laga daba dhacay isagoona o rogay afkeena hooyo ee hodan ka ah waxaana uu saaray Erayo ku mac oo Musiga la macaamili kara oo aad u riyaaqeyso marka aad maqasho.

Dhanka kale Xuseen Carab ayaa saaray Musiga sidoo kale kula radhay Erayada Kuna luuqeeyay waxaana ay noqotay Hees aad oo looga daawaday hooyga dawashada Ama Barta Youtube ka, Qiyaas ahaan waxaa daawatay Muuqaalka Heestan inkabadan 80 Kun oo qof kuwaas oo ka helay heestan Cajiib ka ah ee loo badalay Af soomaaliga.

Hadaba Daawo oo dhagayso Heestan Xiiisa gooni ah leh.