Home » Ciyaaraha » SHEEKO XIISO BADAN: Maxaad Ka Taqaanaa Maalmaha Taxanaha Ee Marcus Rashford?

SHEEKO XIISO BADAN: Maxaad Ka Taqaanaa Maalmaha Taxanaha Ee Marcus Rashford?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-08-16 11:03 AM

RashfordManchester United waa mid kamid ah kooxaha ugu wanaagsan ee soo saaraan ciyaaryahano wax qabad leh,waxaana kooxda soo saarat xidigo waa weeyn kuwaasi oo wacdaro ka sameeyeen kubada cagta qaarada yurub.

Marcus Rashford waa ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee kasoo baxa xerada kooxda Manchester United,waxaana ciyaaryahankaan uu noqday xidigaan inuu bandhig wanaagsan ku leeyahay kubada cagta.

Majalada Somalistars.net ayaa idiin la wadaageysa waayahay wacan ee Marcus Rashford kaasi oo muddo bilooyin ah magiciinsa ku shaaciyey kubada cagta, Caamir Gacal oo ka tirsan Laacibiincom ayaa diyaariyey.

Bilowga Waayihiisa Ciyaareed & Waxqabadkii Uu Sameeyey Xidigaan.

February 25: Anthony Martial ayaa ka dhaawacmay kooxda Manchester United , waxaana xilligaas Manchester United ay ciyaareysey tartanka Europe League.

Van Gaal kooxdiisa ayaa u baahatay ciyaaryahan buuxiya booska Martial waxaana la amray in kooxda lagu soo daro Marcus Rashford kaasi oo kulankaasib United u dhaliyey laba gool oo muhiim ahayad.

February 28: Rashford ayaa sii waday bandhigiisa gooldhalinta , waliba kulankaan waxaa uu dhaliyey laba gool.

Manchester United ayaa Old Trafford kusoo dhoweeysey kooxda Arsenal waxaana kooxda Wengar xilligaas looga adkaaday 3-2 taasi oo hadana Rashford uu laba gool u dhaliyey kooxda United.

 

March 20: Xidigaan ayaa soo martay maalmo ama muddo bil oo gool la’aan ah , laakiin waxaa uu markale uu wacdaro dhigay kulankii Manchester Derby.

Manchester United iyo City kulankooda xidigaan ayaa dhaliyey goolkii guusha ee ay United kaga adkaatay kooxda City.

April 13: Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda West Ham United ciyaar uu kasoo muuqday ciyaaryahan Rashford.

April 16:  Waxaa uu ka dambeeyey in Aston Villa ay u dhaadhacdo horyaalka heerka labaad ee England kadib markii uu ka dhaliyey goolkii guusha ee kulankaas.

May 16:  Xidigaan ayaa lagu soo daray xulka Qaranka England ee ka qeeyb galayaan ciyaaraha Euro 2016.

May 27: Lama yaabidoontid kulankiisa koowaad ee England inuu dhaliyo gool waliba seddex daqiiqo gudohooda, waxaana uu gaaray shabaqa ciyaar ay England wajeheen xulka Australia.

May 31: NamedRashford ayaa markale lagu arkay ciyaartooyda xulka England ee lagu dhawaaqo waliba safkii ugu dambeeyey.

June 16: Comes Kulankiisa ugu horeeyey ee Euro 2016 ayuu saftay markii Engalnd ay wajeheen Wales , waxaana lagu keenay bedel.

August 27: Maalin kale ayey ahayd markii Manchester United ay wajahday kooxda Hull City , ciyaartaas oo xidigaan dhaliyey goolkiisa guusha daqiiqadihii ugu dambeeyey waxaana natiijadaas u ahayd United mid faa’ido leh.