Home » Arimaha Bulshada » SHEEKO XIISO LEH: Maxaad Ka Taqaana 5 ta Perfum Ee Ugu Qaalisan Dunida Iyo Qiimaha Ay Joogaan

SHEEKO XIISO LEH: Maxaad Ka Taqaana 5 ta Perfum Ee Ugu Qaalisan Dunida Iyo Qiimaha Ay Joogaan
Waxaa Qoray: Cabdu Wahaab Axmed Cali /////////// Taariikh: 29-08-16 8:03 PM

perfum

Dunida ayaa ah mid is daba roga dadka qaar ayaa la’ cunada iyo quutul daruuriga ah, sidoo kale dadka barkiisa ayaa faan iyo hantidaa oo ka badatay awgeed u isticmaala lacagta  si xad dhaaf ah.

Maanta waxaan idin soo gudbinaynaa 5-ta Perfum ee dunida ugu qaalisan iyo qiimaha ay ka joogaan dunida.

5)Annick Goutal Eau d’Hadrien – $441.18  waa Perfum ka ugu qaalisan dunida.

Perfum kan ayaa qeyb ka ah kuwa ugu qaalisan dunida, sidaa darteeda waxaa loo aqoonsaday in uu yahay mid kamid ah kuwa ugu qaalisan dunida.

4) AR Bolt of Lightning – $765

In aad $765 aad ka bixiso hal Perfum waxay ka dhigan tahay in aad lacag aad u badan aad ku lumisay wax aanay ahayn in lagu lumiyo.

3) Joy by Jean Patou – $800

Joy By jean Patou ayaa ah Perfum ka saddexaad ee ugu qaalisan dunida waxaana lagu heli karaa oo lagu iibsan karaa aduun lacageed gaaraya $800 Dollar.

2) Caron Poivre – $1,000

Perfum kan ayaa ka qaalisan xitaa baabuurta qaar, tusaale gaariga la yiraahdo Pullet Proof oo ay soomalida aad u yaqaanaan kaas oo ah midka ay isticmaalaan madaxda soomaalida.

  1. Hermès 24 Faubourg – $1,500

Layaabka aduunka Perfumka  ayaa ah kan  ugu qaalisan dunida, islamarkaana waxaa uu ka qaalisan yahay mushaarka uu qaato madax waynaha dalka Mareykan ka sidoo kale waxaa uu ka saddex jibaar ka badan yahay mushaarka uu Cristiano Ronaldo qaato isbuucii.