Home » Arimaha Bulshada » Sidee Ayuu Noqonayaa Jirka aadanaha Marka uu Cabo Dhiig

Sidee Ayuu Noqonayaa Jirka aadanaha Marka uu Cabo Dhiig
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 25-07-16 7:34 AM

Maalimihii dambe waxaa aad u soo badanayay filimaan Decomentry-ga ah oo ka sheekaynaya dadyow cabba dhiigga, arrinkaas ayaa dadka qaar waxay ku beertay su’aal ah,  qofka dhiigga cabbaa ma sii noolaan karaa?

Waxaa la ogyahay in dhiiggu uu muhiim u yahay nolosha, laakiin xaqiiqooyinka cilmiga ah ee la hayo ayaa sheegaya in dhiigga la cabaa uu sun yahay, suntuna way kala sii awood weyn tahay oo markastoo aad dhiig farabadan loo cabo sunta ayaa jirka kusii badaneysa.

Dhiigga waxaa ku xooggan maadaada Birta, jirku dhibaato xoogleh ayuu la kulmayaa marka ay maadadani ka tan badato, waxaana ka dhasha cudur ugu dambeyn sababa iney kalyuhu fariistaan oo shaqadooda gabaan.

Dhamaan cilmi baarisyadii la sameeyay ayaa sheegaya in dhibaatada ka dhalan karta in dhiigga la cabbaa amaba la karsadaa uu aad u xoogan yahay, sababtuna waa jeermiska dhiigga la socda iyadoo ay jirto Barootiinka dhiigga ku jira uu  sun yahay aad u xooggan waliba, marka uu dibadda usoo baxo, dhibaato xooglehna u geysata jirka.