Home » Arimaha Bulshada » Sir La Helay : Waa Ku Wee 5ta Haween Dunida Ugu Taajirsan ?

Sir La Helay : Waa Ku Wee 5ta Haween Dunida Ugu Taajirsan ?
Waxaa Qoray: Abdishakur Geesey /////////// Taariikh: 24-08-16 5:03 PM

Hadii ad maqli jirtay ama ad arki  jirtay raga dunida  ugu taajirsan, manta waxaan idin hayaa warbixin xiiso badan waxa kabaro 5haween ee dunida ugu qanisan waqti xaadirkan, dunidaan an ku noolnahay wax kasta oo kaayaabiyo ama aad layaabto ayaad ku arkeysa,  wan sababta ay u baxayday oraahda caan baxday ee halheeska u ah somalida ” Nin Aduunyo Jogoo Maxaa Aragti Ku Laaban”.

Hadaba waxaan halkan idin kugu so bandhigeynaa liiska iyo sida ay u kala horeeyaan ama ay u kala hanti badan yihiin 5ta dumar dunida ugu qanisan marka loo eego dumarka intooda kale.

1. liliane Bettencourt :

Waa haweyneyda kowaad ee dunida ugu taa jirsan marka loo eego dumarka inteeda kale. waa 93 jir waxayna u dhalatay dalka France, waxay dhalatay 21 Oktoobar 1922. Miss Bettencourt , waa ganacsato caan ah waxay leedahay shirkada so saarta Cosmetics ka ama waxyaaba lagu isku qurxiyo,  Eugène Schueller oo ah aabahed ayaa ugu dhintay isla markaan ahaa aas aasaha company caanka ah ee L’OREAL. lacagta ah heysato waa lagu sheegay aduun lacageed oo dhan $38.8billion oo dolar .

2. Alice Walton :

Waxay u dhalatay dalka mareykanka waa 66jir waxay, waa haweyeyda labaad ee dunida ugu qanisan waxay dhalatay sanadka markuu ahaa 7 Oktoobar 1949. Walton daqli ama dhaqaalaha ugu badan ay ku taa jirtay waxay ka heyshay shirkada WALMART. waa company weyn waxyaaba oo soo saaro waxaa kamid ah dharka, alaabta guryaha , qalabka electronicska iyo adeegyo kale.tirada lacagta ay heysato waxaa lagu sheegay in ay gaareyso $34.6billion oo dolar.

3.  jacqueline Mars :

Dhalasha ahaan waxay ka so jeedaa dalka mareykan ka, waxay isku wadan yihiin haweyneyda labaad ee dunida ugu taajirsan. waa 76jir, waxay ku dhalatay gobolka Virginia ee dalka USA waxay dhalatay sanadka marku ahaa  10 Oktoobar 1939kii, lacagta waxay ka heyshay warshada so saarta cuntada fudud sida chocolate Iwm. lacagta ay heysato waxaa lagu qiyaasay in ay gaareyso $23.9billion oo dolar.

4.  Maria Franca Fissolo:

Haweyneydaan waxay u dhalatay dalka talyaanig a sanadka marku ahaa 1917 hada da’ deedau waa 97jir.ninkeeda waxaa layiraa Michele Ferrero waxay u dhashay labo cunug oo kala ah Giovanni Ferrero iyo Pietro FerreroJr waxay ku nooshay magaalad Monaco. Miss Franca Fissolo, waxay leedahay company caanka ah ee layiraahdo  Ferrero SpA. waxaa la aas aasay mudo hada laga joogo 70sano, waxaa uu so saaraa cuntada, waana meesha ay ka heshay lacagta inteeda badan hada waxay heysataa lacag dhan $23.6billion oo dolar.

5. Susanne Klatten :

Dhalshadedu wa dalka Germany, waxay jirtaa 54sno waxay ku dhalatay gobolka Bad Homburg ee dalka germany, tariikhdu markay aheyd 28 April 1962. Miss Klatten, waa haweyneyda shanaad ee dunida ugu maal qabeysan lacagta ugu badan waxay ka heshay shirkada so saarta kiimikada ee Altana. lacagta ay heysato waxaa lagu shegay in ay gaareyso aduun dhan $17.0billion oo dolar.

Intaas waxaa ku eg warbixintii an ku eegeyne shanta haween ee dunida waqtigaan ugu maalqabeysan, anigoo mid mid u dul istaagnay. dhawaana waxaad naga sugtaan warbixino kale oo xiiso leh taas an ka diyaarino waxyaabaha dunida ka dhacaya.

W/Q : Abdishakur Gesey.