Home » Ciyaaraha » SUUQA KALA IIBSIGA: AC Milan, Torino iyo Borussia Dortmund Oo Hogaaminaya Dagaalka Loogu Jiro Mid Kamid Ah Xiddigaha Ka Xamaasha Magaalada Manchester Ee Dalka England

SUUQA KALA IIBSIGA: AC Milan, Torino iyo Borussia Dortmund Oo Hogaaminaya Dagaalka Loogu Jiro Mid Kamid Ah Xiddigaha Ka Xamaasha Magaalada Manchester Ee Dalka England
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 28-08-16 9:14 AM

Kooxaha AC Milan, Torino iyo Borussia Dortmund ayaa dhamaan muujiyay xiisaha ay u qabaan goolhayaha kooxda Manchester City Joe Hart kaas oo kursiga keydka ka galay taliska Pepe Guardiola sida ay werinayso majalada The Sunday Express ee kasoo baxda dalka England.

29 sano jirkaana ayaa doonaya in uu iskaga tago garoonka Etihad Studium kadib markii uu booska joogtada ka waayay maamulka Pepe, islamarkaana uu soo caga dhigtay goolhayaha reer Chile Claudio Bravo  kaas oo kaga yimid dhanka kooxda Barcelona.

Milan ayaa doonaysa in ay iska adkeeyso dhanka goolka waxaana ay doonayaan in ay helaan goolhaye labaad madaama da’yarka goolka u qabta naadigaas uu yahay goolhaye u baahan in uu helo qibrad dheeri ah, sidoo kale kooxaha doonaya waxaa kamid ah  Dortmund oo iyana dhawaan doonaysay in ay helaan goolhaye la isku haleen karo madaama ay da’du ka daba timid gool walahooda koowaad.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Taliyaaniga ayaa maanta qoraya  in kooxda Torino ay hadda kusoo biirtay dagaalka loogu jiro goolhaya koowaad ee xulka Saddex da Libaax Joe Hart oo lumiyay dooqa kowad ee macalin Pepe Guardiol, sidaa darteeda kooxda City ayaa diyaar u ah in ay gor gortan la furaan kooxaha doonaya xiddigan madama garoonka Etihad uu ka qaato mushaarad badana, mana doonayaan in ay bixiyaan musharaadka waalida ah ee xiddigan isagoo kursiga keyd ka fadhiya.