Home » Hollywood » Taariikh Nololeedka Musaariciistaha caanka ee John Cena

Taariikh Nololeedka Musaariciistaha caanka ee John Cena
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 19-07-16 9:34 AM

Taariikh Nololeedka Musaariciistaha caanka ee John Cena

John Cena waxa uu dhashay 23 kii April 1977kii waxa uuna ku dhashay galbeedka Newbury, Massachusetts, John waxa uu markiisii ugu horeysay kasoo muuqday UPW (oo ah magaca loo aqoon jiray shirkada soo saarta da’yarta jecel ciyaarista Musaaracada )sanadihii 2000 iyo 2001 dam waxa uuna kadib qandaraas u saxiixay shirkada Ohio Valley Wrestling, isaga oo sanadkii 2002 da ku guuleystay OVW heavyweight title, labo sano kadib ayuuna si rasmi ah ugu soo biiray WWE, waxa uuna sanadkiisii ugu horeeyey ku guuleystay United State Championship tan iyo xilligaas waxa uu Cena gaarayey guulal isdaba joog ah.


John Cena waxaa iska dhalay Aabe Talyaani ah iyo hooyo Canadian ah, hooyadiisa waxa ay ku hadli kartaa luqadaha Faransiiska iyo Ingiriiska, Magaciisa oo buuxana waa John Felix Anthony Cena, John waxa uu aad u jeclaa yaraantiisa ciyaarta kubada cagta isaga oo kamid ahaa xidigihii loogu jeclaa kubada cagta college kiisa xilligii uu arday ga ahaa.

markii uu 15 jirsaday John waxa uu xoogaa saaray sidii uu ku dhisi lahaa jirkiisa isaga oo durba bilaabay inuu ka caajiso kubada cagta una jeesto dhankaa iyo feerka sanad gudahiisa John waxa uu miisaankiisa noqday 245 Pounds oo u dhiganta 111 Kilo Gram.

John Cena ayaa sidoo kale fursad u helay inuu kasoo muuqdo shaashadaha Hollywood isaga oo wax ka jilay filimo badan, hoos ayaana ku xusi doonaa filamadiisa iyo sanadihii ay usoo kala baxeen dhamaan.


John Cena waxa uu aad u jecel yahay Filimada Kartoonada Japan ka ay sameyso waxa uuna carabka ku dhuftay gaar ahaan film ka uu aad ka u jecel yahay waxaana lagu magaacaa film kaas Fist of the North Star, John waxa uu sidoo kale jecel yahay Video Game ka Command & Conquer, Boston Bruins, Boston Red Sox, Tampa Bay Rays, Los Angeles Dodgers,[306] New England Patriots, Boston Celtics iyo Sidoo kale waxa uu aad u jecelyahay horyaalka Ingiriiska ee loo yaqaan English Premier League waxa uuna ka taageeraa kooxda Tottenham Hotspur.

 
Sidoo kale John Cena ayaa qeyb ka noqday fanaaniinta dalka Mareykan isaga oo soo saaray album kiisii ugu horeeyey “You Can’t See Me” waxa uuna sameeyey rikoor aad u culus bishii April sanadkii 2007 da waxa uu noqday album loogu jecel yahay xilla uu soo xareeyo lacago aad u fara badan kadib 143 Kun oo copy ah oo la iibiyey.

Filimada uu jilay John Cena oo dhameystiran halkan hoose ka daawo:

Year Title Role Notes
2000 Ready to Rumble Gym Trainer Uncredited extra
2006 The Marine John Triton
2009 12 Rounds Danny Fisher
2010 Legendary Mike Chetley
2010 Fred: The Movie Fred’s Imaginary Dad
2011 The Reunion Sam Cleary
2011 Fred 2: Night of the Living Fred Fred’s Imaginary Dad
2012 Fred 3: Camp Fred Fred’s Imaginary Dad
2014 Scooby-Doo! WrestleMania Mystery Himself (voice)
2015 The Flintstones & WWE: Stone Age SmackDown! John Cenastone (voice)
2015 Trainwreck Steven
2015 Sisters Filming