Home » Arimaha Bulshada » Maxaad Kala Socotaa Taariikhda Heesta Gangnam Style Oo Ah Heesta Dunida Ugu Wanaagsan Qarnigaan 21-aad, Imisa Qof Ayaa Ka Daawatay You Tube, Meeqa Luuqadood Ayaa Loo Badal Heestaas.

Maxaad Kala Socotaa Taariikhda Heesta Gangnam Style Oo Ah Heesta Dunida Ugu Wanaagsan Qarnigaan 21-aad, Imisa Qof Ayaa Ka Daawatay You Tube, Meeqa Luuqadood Ayaa Loo Badal Heestaas.
Waxaa Qoray: Cabdu Wahaab Axmed Cali /////////// Taariikh: 22-08-16 11:20 AM

Gangnam Style

Dunidan waxaa jira fanaaniin cajiib ah oo heesahooda iyo suugaantoodu ay gudubto xuduudaha, sidoo kale waxaa jira fanaaniin ka duwan kuwa kale, dadka Indha yarta waxaa lagu xantaa in ay yihiin dad luuqad adag oo aan la fahmi karin hadalkooda caadiga ah, iska daa in la fahmee heesahoda iyo suugaantooda.

Balse heesta caanka ah ee Gangnam Style ayaa ah heesta ugu wanaagsan dunida uguna shacbiyada badan dunida muusiga marka loo eego qarnigan aynu joogno ee 21 aad kaas oo ay soo baxeen adeegyo fududeeya xiriirka dad waynaha iyo kuwa si sahal in suugaantu si sahlan ku gaarto dunida inteeda kale, adeegyadaas waxaa kamid ah barta You  Yube taas oo keydisa laguna soo bandhigo muuqaalada dunida.

Heestan Gangnam Style ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay  taariikhdu markay ahayd  July 15, 2012, waxaa si wadda jir ah u qoray heestan Abwanada kala ah Park Jae-sang iyo Yoo Gun hyung kuwaas oo lagu abaal mariya sida wanaagsan ee ay u sameyeen heestan dunida oo idil laga wadda qiray.

Si lamid ah heestan waxaa soo saaray Park Jae-sang iyo Yoo Gun hyung kuwaas oo ku luuqeeyay miraha heestan, shirkadaha YG Entertainment, Universal Republic iyo School Boy ayaa si wadda jir ah heestan xuquuqdeeyda iska leh.

Heestan ayaa noqotay heestii ugu badneeyd ee laga daawado barta You Tube taariikhda waxaana sidoo kale ay noqotay heestiii ugu horeysay oo hal Isbuuc kaliya ay daawatay in ka badan 1 Billion oo qof kuwaas oo ku kala nool dunida dacaladeeda, waxaana ugu dambeyn daawatay in kabadan 2,629,945,208 oo qof.

Sidoo kale heestan waxaa waxaa loo badalay luuqado kale duwan waxaana kamid ah luuqadaha loo badalay luuqadeen Afka Soomaliga, islamarkaana waxaa badalay Abwaanka iyo Fanaanka wayn ee Faarax Murtiile kaas oo eray soomali ah ku cabiray heesta, waxaana uu u bixiyay JAM JAM ISTAAG, sidoo kale waa mid kamid ah heesaha loogu daawashada badan barta You Tube.

Hadaba yaan hadal idinku daalininee daawasho wacan heesta Gangnam Style iyo qaab musig ciyaareedkeeda wacan.