Home » Arimaha Bulshada » Tallooyin Muhiim Ah oo Ku Socdo Gabadha Aan Weli Guursan Iyo Weliba Mida Aan Weli..

Tallooyin Muhiim Ah oo Ku Socdo Gabadha Aan Weli Guursan Iyo Weliba Mida Aan Weli..
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-08-16 8:36 AM

Gabar walba wey Wareertaa marka ay Rabto iney Guursato, oo waxaa ku Adkaada Go`aanka Guurka. waxeyna ka Baqdaa iney ka Shaleyso, oo Ninku noqon waayo Ninkii ku Haboonaa.

Gabar walba oo Muslimad ah, markay Rabto iney Guursato ama la soo doono, waxey Samayn kartaa Arimahan soo socda oo aad iyo aad u CaawinaAya, illaahayna kuma Dayacaayo Danaheeda, waxey Arrimahaasi kala yihiin:-

ISTIKHAARO:- Istikhaaro waa Salaad la Tukado, waana Labo Rakcadood, waxaana la Tukadaa marka uu Qofka Qabsado Arin uu kala Garan waayo, uuna is yiraahdo Miyaa Sameeyaa mise waan iska Daayaa. Qofku markuu Labada Rakcadood Dhameeyo ayuu Ducada Istikhaarada Akhrinayaa.

LA TASHI:- Qof aad ku Taqaanid Xikmad iyo Aqoon iyo Amaano Sirta kuu Xifdiya, Akhlaaq iyo Alle ka Cabsi leh la Tasho, qofkaas wuxuu ka mid noqon karaa Reerka sida Hooyadaa ama Habaryartaa ama Eedadaa ama Abti iyo wax lamid ah, ama qof shisheeye ah sida macalimada ama gabar kaa wayn. Ibnu taymiya wuxuu yiri: ma Shalaayo Qofka Latashada Dadka, mana Hoogo Qofka Istikhaareeysta.

DUCADA:- Salaad kasta markaad Tukaneysid, mar walba markaad Sujuudid waa inaad Duceeysataa, Ducada aad doontid ku Duceyso, illaahay Weydiiso Jidka Khayka leh inuu ku Waafajiyo. Waqtiyada Fadliga leh ee la Aqbalo Ducada inaad ku Beegto Ducadaada sida Habeenka Nuskiisa Dambe, Adaanka iyo Aqimka inta u Dhexaysa, Roobku markuu Da’aayo, Maalinta jimcaha Saacad ka hor Maqribka, ama Saacada ugu Dambaysa Casarka, Salaada Faradka ah kadib Duceeyso, Sujuudana ku Duceeyso Salaad kasta, Ataxiyaadka Dambe markaad Akhrisid Duceyso ee Salaad walba.