Home » Ciyaaraha » Ugu Dambeyn Man United oo liiskeeda ciyaaryahanada Premier League kusoo dartay Schweinsteiger

Ugu Dambeyn Man United oo liiskeeda ciyaaryahanada Premier League kusoo dartay Schweinsteiger
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 2-09-16 1:16 PM

BastianManchester United ayaa xaqiijisay in Bastian Schweinsteiger uu ka mid ahaan doono 25-ka xidig ee kooxdu u isticmaali doonto Premier League xili ciyaareedkan inkastoo ilaa hada uusan ciyaarin kulan ka tirsan horyaalka xili ciyaaredkan.

Xidiga Jarmalka oo Arbacadii saftay kulankii ugu dambeeyay ee xulkiisa ayaa waxaa ay United soo qaadatay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin wax saameyn ah kuma yeelan kooxdii tababare Louis van Gaal.

Tan iyo markii uu shaqada la wareegay Jose Mourinho waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu xidigaan ka tagaayo kooxdda ,dhowaan ayuu tababare Mou ku amray inuu la tababarto 21 jirada kooxdda isagoo ka reebay kooxdda koowaad.

Si kastaba Man United ayaa hada sheegtay in xidigaan lagu daray xidigaha u matalaya Premier League, tani waxaa ay ka dhigan tahay in loo soo xulan karo horyaalka Premier League.

Mourinho ayaan la ogeyn inuu badali doono go,aankiisa laakiin Schweinsteiger waxaa uu dhowaan sheegay in dagaal uusan kala dhaxeynin tababare Jose.

Wararka ka imaanaya England ayaa sheegaya in xidigaan uu doonaayo inuu aado horyaalka Mareykanka ee MLS-ka hadii uusan Mourinho umuujin niyad wanaag.