Home » Ciyaaraha » Usain Bolt oo aan Billadihii Dahabka ahaa laga celin karin 100m iyo 200m intaba

Usain Bolt oo aan Billadihii Dahabka ahaa laga celin karin 100m iyo 200m intaba
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 15-08-16 10:01 AM

Usain Bolt ayaa mar kale dahabka ka keenay tartanka Orodka gaaban ee 100m oo uu markiisii 3-aad oo tartan Olympic Games ah xiriir u qaaday ciyaarihii xalay ee Rio de Janeiro.

Orodyahanka caanka ah ee dalka Jamaica ayaa ku sigtay in uu jebiyo Rikoorokiisii uu horay u dhigay ee ahaa in uu 9.81 sikin kaliya ku orday taasoo tustay in uu ka adkaaday uun Justin Gatlin.

 Bolt ayaa sahal ku billowday halka Gatlin uu u muuqday mid aan la garaaci karin, oo mar uu 20 mitir u jirsaday laacibkan in kastoo jawaab indhaha laga saaray.

Ninkan oo 29-jir ah ayaa abuuray hab muuqal uu uga dheereeyo Gatlin wuuna ku hor dabbaal degay wiilkaas Mareykanka u dhashay.

Canada wiilkooda Andre De Grasse ayaa keenay billadda Maarta ah wuxuuna orday 9.91 sikin, halka Yohan Blake oo galay 4 uu ku orday fourth 9.93sikin.