Home » Ciyaaraha » Waa kuwee 13 ka Kooxood Ee Horyaalka England Xagaagan Jabiyey Rikooradii Ugu Yaalay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaaryahanada?

Waa kuwee 13 ka Kooxood Ee Horyaalka England Xagaagan Jabiyey Rikooradii Ugu Yaalay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaaryahanada?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-09-16 6:36 PM

Suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada xagaagan ee Ingiriiska ayaa sameeyey sare u kac aan caadi aheyn xilli uu ka saramaray Xagaagii hore 870million oo ginni, waxa ayna xilli ciyaareedkan kooxaha Ingiriiska suuqa ku qarash gareeyeen aduun lacageed gaarayo 1.1billion oo Bound.

13 Kooxood oo kamid ah 20 ka kooxood ee ka xamaasha horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska ayaa jebiyey Xagaagan rikooradoodii suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada u yaalay, Manchester United ayaase noqotay kooxda jebisay rikoorka guud ahaan u yaalay Suuqa kala iibsiga iyaga oo lasoo saxiixday Paul Pogba.

ku biiritaankii Joe Hart uu qaabka amaahda ugu biiray kooxda Torino ayaa noqotay la yaabka suuqa kala iibsiga xagaagan, sidaas si lamid ah ku biiritaankii uu Jack Wilshare uu qaabka amaahda ah ugu biiray kooxda Bournemouth.

13 ka kooxood ee jebiyey rikoorkooda suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada ayaa kala ah: Manchester United (Paul Pogba ayaa dib ugu soo noqday garoonka Old Trafford waxaana uu ku yimid aduun lacageed gaaraya £89.3m) taas oo ah lacagtii ugu badneed ee ciyaariyahan lagu iibsado.

Kooxda Crystal Palace ayaa bankiga u jabisay xiddiga caanka ah ee (Christian Benteke kaas oo ay aduun lacageed gaaraya  £32m) oo Ganni kaga lasoo waregeen kooxda Liverpool ee ka dhisan dalka England.

Naadiga Everton ayaa lasoo kula soo wareegtay xiddigan Yannick Bolasie aduun lacageed gaaraya £30m oo Gani kaas oo ah xiddigii ugu qalisana ee ay soo iibsato kooxda Goodson Park ka dhisan taariikhda kooxdaas.

Kooxda difaacanaysa horyaalka EPL ka ee Leicester ayaa sameysay saxiixi ugu qaalisana ee taariikhda ay sameyso kooxdan kadib marki ay xiddiga ree Al Geria Islam Slimani  ay kala soo wareegeen koox Sporting Lisbon aduun lacageed gaaraya £29.7m, waxayna qeyb ka tahay kooxaha sanadkan jabiyay rikoorka lacagahau yaala kooxdaas.

West Ham ayaa sameysay saxiix kale oo wayn kaas oo ah midka ugu qaalisan kooxdaas ay sameyso kadib markii ay lasoo saxiixdeen Andre Ayew kaas oo kaga yimid dhanka kooxdaSwansea City aduun lacageed gaaraya £20.5m.

Sidoo kale kooxda Southampton ayaa jabisay rikoorkeeda suuqa kadib markii ay soo iibsadeen xiddiga Sofiane Boufal – £16m).

Swansea ayaa iyana sameysa saxiix kale kadib markii ay  Borja Baston kugula soo wareegeen aduun lacaged garaya £15.5m).

Bournemouth ayaa sidoo kale qeyb ka ah kooxaha sameyay rikoorada suuqa kala iibsiga kadib markii ay lasoo saxiixdeen xiddiga kooxda Liverpool Jordon Ibe kaas oo ay kula soo wareegeen aduun lacageed gaaraya £15m).

Naadiga Sunderland ayaa sameysay saxiix kale oo ay ku jabiyeen rikoorkooda suuqa kala iibsiga madaama xagaagan aya lasoo wareegeen xiddiga caanka ah ee Didier N’Dong kaas oo isna ay kulasoo wareegeen aduun lacageed gaaraya£13.6m).

Hull ayaa iyana lasoo waregtay xiddiga caanka ah Ryan Mason kaas oo ay kula soo wareegeen aduun lacageed gaaraya £13m), sidaa darteeda Hull ayaa jabisay xagaagan rikoorkeeda suuqa kala iibsiga, madaama aanay jirin xiddig ka qaalisan ciyaariyahankan oo ay soo iibsatay kooxdaan,

Kooxda Watford ayaa sameeysay rikoorka xiddiga ugu qaalisan kooxda madama ay lasoo wareegtay xiddiga caanka ah ee Roberto Pereyra kaas oo ay kula soo waregeen aduun lacageed gaaraya £13m).

Naadiga West Brom ayaa u jabisay Bankigeeda xiddiga Nacer Chadli kaas oo kaga yimid dhanka kooxda Tottenham Spurs xagaagan kaas oo moqonaya xiddigii ugu qaalisanaa ee u ciyaara kooxda ka imaata magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee dalka England, waxayna xiddigan kusoo qaateen aduun lacageed gaaraya £13m).

Kooxda Burnley ayaa ah kooxda ugu dambeyso oo ay taabanayso sheekadaan waxayana xagaagan u jabiyeen sanduuqooda xiddiga Jeff Hendrick kaas oo ku yimid kooxdan  aduun lacageed gaaraya £10.5m), sida darteeda waxay kamid tahay kooxaha sanadkan jabiyay lacagahooda suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Kooxaha Ingiriiska ayaa iibsaday markii ugu horeysay muddo 20 sanno ah ciyaaryahanka ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada iyaga oo noqday hormuudka suuqa, waxa ayna lacag rikoor ah kusoo qaateen Paul Pogba kaas oo kaga soo biiray Kooxda Man United dhankaa iyo kooxda Juventus, Markii ugu dambeysay oo ay kooxaha Ingiriiska sidan oo kale sameeyaan waxa ay aheyd 1996 kii kolkaas oo uu Alan Shearer 15 Milyan oo Ginni ugu soo dhaqaaqay kooxda Blackbur Rovers isaga oo ku biiray kooxda Newcastle United.