Home » Arimaha Bulshada » Waa Kuwee Toban Ka Hotel Ee Ugu Quruxda Badan Qaarada Madow Ee Africa?

Waa Kuwee Toban Ka Hotel Ee Ugu Quruxda Badan Qaarada Madow Ee Africa?
Waxaa Qoray: Abdishakur Geesey /////////// Taariikh: 27-08-16 5:35 PM

Qaar kamid ah wadamada qaarada afrika ayaa leh hotelada dunida ugu qaalisan oo loo yaqaan fivestars, dad badan ayaa jacel in ay asxaabtoda ama qoysaskoda waqti kula qaataan meelo aad uqurux badan oo jawi degan leh. hadab aqri warbixin hadii ad tahay qof jacel meelahas in uu saaxiibadiis ama qoyskiisa waqti fiican kula qaato.

1) Graceland Hotel Casino and Country Club

Hotel kan layiraa  Graceland Hotel Casino and Country Club waxaa uu ku yaal wadanka south africa. waa hotelka kowaad ee ugu quruxda badan hadana fivestar ah  oo ku yaal qaarada africa. waxaa uu leeyahay tiyaatar meelo filimada lagu daawado sido kale waxaa uu leeyahay meelo lagu dheelo ciyaaraha kala duwan sida ciyaarta loo yaqaan golf.

Sido kale hotelkan looyaqaan dhulka cagaaran ayaa waxaa  uu leeyahay beero aad u qurux badan dhismaha hotelka ayaa ah mid aad ku so jiidanaayo waxaa u baxshaa adeegyo kala duwan isagoo leh 4 xarumood iyo guryaha matida isaga oo leh tayada hotelada kale ee dunida ku yaal.

Graceland Hotel Casino and Country Club

2) Corinthia Hotel Khartoum 

Kani waa hotelka Corinthia, waxaa uu ku yaala bartamaha caasimada dalka Sudan ee Khartoum, waa hotelka labaad ee fivestar ah ee ugu quruxda badan qaarada madow. waxaa uu udhisanyahay qaabka ukunta oo kale, sidoo kale waxa uu leeyahay laba midab oo aad ku so jiidanaayo oo kala ah buluug iyo cadaan.

Corinthia-Hotel-Khartoum

3) The Cascades Hotel

The cascasdes hotel waxaa uu kaalinta sadexaad ka galay hotelada fivestar ah ee afrika ugu quruxda badan. waxaa uu ku yaala dhexda keymaha loo yaqaan Lush Tropical Forests dalka South Africa.

The Cascades Hotel

4) The Table Bay Hotel

The table bay hotel waxa uu ku yaal magaalad Cape town ee dalka South Afrika. sido kale hotel bay ayaa u dhisan qaab casri ah waxaana ku xeeran haraha loyaqaan Victoria waana hotelkii Afraad ee fivestar ah ee ku yaal qaarad africa.

The Table Bay Hotel

5) Hotel Riu Touareg

Hotelkan Riu Touarag  waa fivestar waxaa uu kuyaal magaalada Boa Vista ee dalka Cape Verde. waxaa uu leeyahay goobo qurux badan  sida barkado waa weyn oo logu tala galay dabaasha.

Hotel-Riu-Touareg-Cape-Verde

6) Peermont D’Oreale Grande at Emperors Palace

The Peermont D’Oreale Grande at Emperors Palace waxaa uu kuyaal magaalda Johannesburg waxaan dhanka mid dacalka ku hayaa garoonka diyaaradaha ee loyaqaan O.R. International Airport, waa hotel raaxo waxaa uu ka kooban yahay 192 qol.

Peermont D'Oreale Grande At Emperors Palace

8) Fairmont Nile City Hotel

The Fairmont Nile City Hotel waxaa uu leyahay 531 qol, waxaa uu ku yaal magaalada qaahira caasidamada dalka masar sido kale waxaa uu dacalka ama garabka kuyahaa wabiga Niil. waana hotel raaxo.

Fairmont Nile City Hotel

9) Mövenpick Resort & Marine Spa Sousse

The movenpick resort  waa hotel Fivestar ah waxaa kuyaal magaalo xeebadka dalka Tunisia waa hotelka sagaalad ee qaraadka afrika ugu quruxda badan.

Mövenpick Resort & Marine Spa Sousse

1o) Sun City Resort

The city resort waxaa uu ku yaal magaalada Johannesburg ee dalka South Africa waana hotel loogu magac daray mininka raaxo  ama hoyga raaxada. waana hotel fivestar ah dhismaha hotelka yaa ah mid ka mid ah dhismaha ugu quruxda badan qaarada africa waxaa uu sidaasi ku galay kaalinta tobanaad hotelka ugu quruxda badan qaarada madow ee africa.

Sun City Resort South Africa