Home » Arimaha Bulshada » Waa Maxay Isla Noolaansho, Wanaag, Kalgacal, Iyo Isla Noolaanshaha Labo Ruux Isla Nool Yihiin??!!

Waa Maxay Isla Noolaansho, Wanaag, Kalgacal, Iyo Isla Noolaanshaha Labo Ruux Isla Nool Yihiin??!!
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 19-07-16 5:07 PM

Maqaalkani aan halkan hoose ku faahfaahinayno waxa uu quseeyaa guurka qurbaha. Waxa aanan ku baaraynaa su’aalahan:
Waa maxay isla noolaansho?
Maxaad u taqaanaa wanaag?
Maxaad u taqaannaa kalgacal?
Maxaad u taqaannaa isla noolaansho ay labada qofi isla noolyihiin?
Hadaba hadii aan ka bilaabno guurka. Guurku waxa uu ka yimaadaa, jacayl ama rabitaan uu qofku qofka kale rabo. Xataa ha ahaato hal maalin ood aragto oo tiraahdo waa rabaa qofkaa, macnaheedu waxay tahay waa rabaa. Xataa hadii aadan arag oo lagu siiyo, lakiin aad tiraahdo waan rabaa ama doonayaa, macnaheedu waxay tahay waan rabaa in aan la noolaado.
Hadaba sual? Maxay tahay isla noolaansho?
Isla noolaansho waa axdi lakala saxiixday oo ah (hesiis), aaxdigaasi waxa uu socon karaa mudo yar, mudo dhexe, mudo aan la soo koobi karin oo waligeed socota oo ah ilaa labada qofood mid ka dhinto.
Hadaba aduunkan aan ku noolahay gaar ahaan qurbahan aan joogno wuu ka duwan yahay kii wadankeenii. Hadii aad is tiraahdo u nooloow ama u dhaqan sidii kii aan ka soo tagnay, waxaa imanaysa isfahan la-aan, isfahan la’aantaasi waxay ka iman kartaa labada dhinacba ama labada qofood ee nolosha wada wadaagaya.
Waxaan idin tusayaa tusaalahan ee ii ogolaada.
Waxa is bartay wiil iyo gabar waxay isla ogolaadeen in ay isguursadaan. Hadaba iyaga oon haysan guri marka hore, ama haysan shaqo laga helo nolol maalmeedka, ama is waydiin waxa ama waxay qaban doonaan bilahan soo socda haduu ilaahay yiraa ayay isla soo dagayaan. Waxa laga yaabaa wiilkii ama gabartii in ay u soo guurto ama uu u soo guuro qolkii ay daganaayeen.
Waxaa laga yaabaa in markiiba ay uur qaado hadii Ilaahay wax siiyo, ayada oo aan laga tashan waxa soo socda. Kkama wado xumaan, qofkii u qaata sheekadan raali ha ka noqdo, waxaan ka hadlayaa dhibaatada qurbaha naga haysta oo run ah, qofkii beeniyana waxaan qabaa in uusan runta la socon ama inkirayo dhibaatada na haysata gaar ahaan somalida.
Aduunyadan waxa ugu wanaagsan ama dhab ah in aad hesho qof nolosha kula wadaaga. Waxa aad ka badbaadaysaa xumaan, waxaad helaysaa sharaf, raaxo labadaba, waxaad ka badbaadaysaa cidlada, gaar ahaan qurbahan aan joogno. Laakiin hadii labada qof is fahanku ka lumo ama beentu badato waxa lumaya is aaminkii iyo is ixtiraamkiiba.
Hadaba maxaa naga qaldan?
Waxa naga qaldan beenta la sheegayo marka hore, gabartii oo la qabo ayuu wiilkii ku o ranayaa waxaa tiraahdaa la ima qabo dheh. Waxaa laga yaabaa in ay uur qaado, way dhalaysaa, hadana uur kale way dhalaysaa—hadana dhlaysaa. Waxa ay ugabadhii u baahan tahayi n la caawiyo. Rutii caruurtu waa wax loo baahan yahay lakiin wadankeenii ma joogno, oon helaynay jaariyad ama booyaaso hadba sida aad u taqaano, ama ehel guriga ka buuxa. Arintanina waa mid saamayn wayn ku leh guurka qurbaha.
Rutii qurbuhu waa stress (deg deg) miiran, walwal badan, adiga iyo caruutii waxa aad ku xaraysan tihiin labo ilaa sadex qol iyo meel yar oo la fariisanayo oo dhamaan qoyskii o dhani isugu imanayaan. Islaantii maanta oo dhan ayay ciyaalkii haysay.
Odaygii waxa uu u baahan yahay in uu dibada u yara baxo. Ma la isku helaa caruur badan iyo dibad bax? Halkaa waxa ka bilaabmaya muran ila caawi reerka iyo ma kula caawin karo, iyo doowlada ayaa ii masruufaysa hadii aadan ila caawin karin.
Isagii ma fahmayo noloshii waxa uu u haystaa hadii ay tiri ila caawi waxa uu u qaadanayaa in la handadayo.
Iyadii waxa ay u haysataa in ay leedahay lacagta caruurta oon loogu iman karin.
Isagii waxa uu leeyahay: Naa yaa caruurta kaa dhalay?
Iyadii waxa ay la so taagann tahay ma caawisid.
Dhibkana maxaa keenay? Jawaabtu waa in aan markii hore laga tashan taas.
Halkan hooyo ma noo joogto, hadii ay joogtana wax badan ma naga caawin karto. Ninka waxa looga baahan yahay in uu caruurtiisa ka caawiyo wixii loo soo dhiibay sida, xisaabta, la dhaqanka dadka, in uu ka xeeyo caruurtiisa, in uu ka farxiyo xaaskiisa. Ogoow masuuliyadu adiga ayay ku saran tahay hadii aan nimanka nahay. Si kasta oo ay gabadhu u dabeecad adag tahay hadana waad ka keensan kartaa wanaag iyo nolol. Marka hore wiilashu ha is too siyaan, tii gabadhii dabeecad adagi way muuqan,e.
Maxaa hadaba lagaaga baahan yahay?
Waxaa lagaaga baahan yahay jacayl, raxmad, dulqaad, ixtiraam, runta, yo daganaan.
Sideed isku jecleeysiin kartaa xaaskaaga?
Tus farxad, u sheeg in aad u baahan tahay, u sheekee marka aad caruurta seexisaan, iska ilaaw tv,i yo wixii la mid ah. U sheeg waxa aad qabto hana qarsan, kala sheekayso sariirta macnaheeda, waxaad jeceshahay waynan ku fahmaysaa.
Waamaxay sariirtu hadaba?
Dad ayaa u yaqaana isku tagid , lakiin sidan ayaan ku qeexayaa. Waa raxmad aad qofka kale u hayso.
Sriirta waa lagu nastaa, yay kugu nasanin sariirtu, waa hadal wayn hadii aad fahmayso. Qofka lamaanahaaga waa in aad qancisaa, sida aad ula socotaba way kala du wan yihiin wiilka iyo gabartu, ninku waa in uu sheegaa waxa uu qabo ama rabo isaga oon qarsanayn, la soco mar walba isku mid ma tihidin. Marka waxa aad jeceshahay sheegato, waxa sii badanaya raxmadii iyo jacaylkii laguu hayay, is fahankuna wuu sii badanayaa. Usheeg in aad jeceshahay mar walba adiga oon ka qarinayn. La balan xaaskaaga iyo caruurtada bishii mar, hadba sida uu dhaqaluhu kuugu saamaxo, in aad kaxayso, balankaasna ha jarin, iska ilaaw saxiibo iyo tol kula balamay maalintaas aad ka xaynayso.
Kuwa qaldan
Waxay dhalayaan caruur badan, iyaga oo kuwii horeba tabar loohayn, ama ay gabartu ogtahay in uunan caawin ninku, ama aqoon sida loo caawiyo ayay hadana dhalaysaa oo ay u sii socotaa cayrtii ama sosialkii dadka tabaalaysan caawinayay. Marka ay waydiiyaan yaa kaa dhalay caruurtan, waxay ku jawaabtaa saxiibkay mana aqaan meesha uu dagan yahay.
Waxaa hadaba dhacday sheeko run ah waana tan sheekadii.
Waxa ka dhacday yurub in gabar ay nin u dhashay laba caruur ah ka dib way kala tageen. Waxa hadana guursaday nin kale, waxay u dhashay laba caruur oo kale. Maalin ayay maxkamadu waxay u yeertay ninkii hore ee caruurta ka dhalay, in uu bixiyo kharashka afarta caruura, isaguna waxa uu ku dacwoonayay, aniga laba ayaan dhalay labada kale ma aqaan wax ka dhalay.
Ninkii labada danbe dhalay waxa uu ku yiri xaaskiisii ha isheegin, mana rabo in uu bixiyo biil yar oo laga qaadi lahaa, waa hadii uu shaqeeyo, hadii kale lagamaba rabo. Maxkamadii waxay naagtii ku xukuntay in ay sheegto ninka caruurta ka dhalay, magacyadii caruurta aabahodna waxa loob ixiyay kii aabaheed.
Hadii ay xanuunsatana waxa lagu wareejin doonaa kaniisad. Naagtii caruurta dhashay meeshii ayay ku saxiixday,ciyadoo u malaynaysa in aynan waligeed xanuunsanayn. Nasiib daro markii ay mudo ka soo wareegtay ayaa gabadhii caruurta dhashay xanuunsatay madaxana laga galay, ilayn ma hayn karto 4 caruur ah oo 5 jir u wayn yahay, wax la caawiyana aanay joogin.
Hada caruurtii waxa haysata kaniisad, ninkiina ma sheegan karo, shalay isaga ayaa in kiray, hada haduu sheegto 4 sano lacagtii ayaa laga rabaa, waa yaab goorma ayuu bixinaa imisa sano? Waa beenta lagu dhisayo reer dhaxalkeeda.