Home » Ciyaaraha » Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Axad Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Axad Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 7:33 AM

XANTA KA XIRIIRRA MUSTAQBALKA JAMIE VARDY

Weeraryahanka kooxda Leicester City iyo xulka England Jamie Vardy, oo 29 sanno jir ah, ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Arsenal maanta oo Axad ah ka dib markii ay miiska soo saartay qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 20 milyan oo ginni. (ESPN).

Arsenal ayaa ka cabsi qabta inuu heshiiskaani burburi karo haddii aysan dhammeystirin ka hor bilowga Koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2016 oo bilaabanaya Jimcada. (Sunday Express).

Tababaraha Leicester City Claudio Ranieri ayaa u sheegay wargeysyada Italy inay gabi ahaanba xaqiiq yihiin wararka sheegaya inuu Vardy ku biiri doono Arsenal. (La Gazzetta dello Sport).

Vardy ayaa wadahadallo weji ka weji ah la yeelan doona tababaraha Arsenal Arsene Wenger isagoo kala hadlaya heshiiska uu ugu soo wareegayo kooxda ka dhisan Emirates Stadium. (The Sun on Sunday).

XANTA KALE EE SUUQA KALA IIBSIGA

Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis 31 milyan oo ginni ah la meeldhigto kooxda Villareal iyadoo kala soo wareegeysa 22 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe ee reer Ivory Coast Eric Bailly. (AS) .

Red Devils ayaa sidoo kal dagaal la geli doonta deriskeeda Manchester City iyagoo ku dagaalamaya saxiixa weeraryahanka xulka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, oo 26 sanno jir ah. (Daily Star Sunday).

Leicester ayaa xiiso u qabta burburiyaha qadka dhexe ee dalka Kenya Victor Wanyama, oo 24 sanno jir ah, kaasoo haatan u ciyaara koox Southampton. (Daily Star Sunday).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay iska iibiso xiddiga qadka dhexe ee xulka Germany Bastian Schweinsteiger, oo 31 sanno jir ah, ka dib keliya hal xilli ciyaareed oo uu joogay Old Trafford. (Sunday Mirror).

Xulka Sweden ayaa u ogolaan doona kabtankooda Zlatan Ibrahimovic, oo 34 sanno jir ah, inuu ka tago xerada tababarka ee ay isugu diyaarinayaan ciyaaraha Euro 2016 si uu ugu saxiixo Manchester United. (Mail on Sunday).

Chelsea ayaa kula dagaalami doona Stoke City saxiixa xiddigii hore ee qadka dhexe ee kooxdaan Potters Steven N’Zonzi, oo 27 sanno jir ah, ka dib markii uu wacdaro ka dhigay kooxdiisa haatan ee (The Sun on Sunday).

Everton ayaa inay bixisaa 3.5 milyan oo ginni oo magdhaw ah iyadoo lacagtaas siineysa kooxda Southampton haddii ay kala wareegto tababare Ronald Koeman, macalinka reer Holland ayaa farta laga saari doonaa 100 milyan oo ginni si uu ugu qarash gareeyo suuqa kala iibsiga. (Liverpool Echo).

Tababarihii hore ee Manchester City Manuel Pellegrini ayaa ugu cadcad inuu si lama filaan ah Koeman uga bedelo shaqada tababarenimo ee kooxda Southampton. (Sunday Mirror).

Tottenham ayaa xiiso u qabta saxiixa kubadsameeyaha kooxda Palermo iyo xulka Italy Franco Vazquez, oo 27 sanno jir ah. (Sunday People).

Manchester City ayaa ku qasban inay sugto illaa dhammaadka ciyaaraha Euro 2016 si ay isugu daydo inay dhammeystirto heshiiska 22 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Everton iyo xulka England John Stones. (Manchester Evening News).

28 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda AS Roma iyo xulka Belgium Radja Nainggolan ayaa ku wargeliyey Chelsea inuu isha ku hayo inuu u saxiixo xagaagaan. (London Evening Standard).

Leicester ayaa wadahadallo qandaraas kordhin la xiriira la furtay daafaca xulka England Danny Simpson, oo 29 sanno jir ah. (ESPN).

Crystal Palace ayaa qarka u saaran inay bixiso 8da milyan oo ginni ee lagu burburin karo qandaraaska garabka kooxda Newcastle United iyo xulka England Andros Townsend, oo 24 sanno jir ah. (Sunday People).

Sampdoria ayaa xiiso u qabta xiddiga qadka dhexe ee kooxda Sunderland iyo xulka ItalyEmanuele Giaccherini. Fiorentina iyo Torino ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixa 31 sanno jirkaan oo xilli ciyaareedkii dhammaaday heshiis amaah ah kula joogay Bologna. (Chronicle).

Swansea City ayaa lala xiriirinayaa inay lasoo wareegeyso xiddiga qadka dhexe ee kooxda Tottenham iyo xulka 21 sanno jirrada ka yar ee England Alex Pritchard. (South Wales Evening Post).