Home » Ciyaaraha » Wargeysyada England Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xanta Ahaa Ee Ay Maanta Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Wargeysyada England Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xanta Ahaa Ee Ay Maanta Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-09-16 6:55 PM

Suuqii kala iibsiga ciyaartoyda xagaagaan 2016 ayaa albaabada la isugu laabay – hubanti ma jiri doonto koox ka ciyaarta horyaallada waa weyn ee Yurub oo si toos ah usoo iibsata ciyaaryahan illaa laga gaarayo bilowga bisha January 2017ka.

Balse meesha kama bixin wararka xanta ah ee la xiriira mustaqbalka ciyaartoyda iyo weliba saxiixyadii la seegay daqiiqadihii ugu dambeeyey, halka sharraxaad gooni ah laga bixiyey fashilka ku yimid heshiis kasta oo la qorsheeyey inuu meelmaro – Ciyaaraha FM ayaa idinla wadaageysa wararkii ugu dambeeyey ee xanta suuqa kala iibsiga maanta oo Khamiis ah.

26 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool Mamadou Sakho ayaa ka careysiiyey tababare Jurgen Klopp ka dib markii uu ku guuldarreystay inuu helo koox cusub oo uu ku biiro. Klopp wuxuu ka doonayey Sakho inuu ka tago Reds isla markaana uu ku biiro koox kale oo uu boos joogto ah ka heli karo laakiin daafacaani wuxuu iska diiday dalabyo ay kasoo gudbiyeen kooxaha Stoke, West Brom iyo Besiktas. (Daily Mirror).

Wakiillada weeraryahan Daniel Sturridge ayaa xiriir la sameeyey kooxda Arsenal si heshiis xilli dambe ah ay ugula wareegto goooldhaliyahaan, laakiin Liverpool ayaa ku adkeysatay inay ceshato 26 sanno jirkaan. (Goal).

Joornaaliistaha reer France Julien Laurens ayaa aaminsan inuu David Luiz ku laaban doono Chelsea isagoo ah ciyaaryahan ka xun sidii uu ahaa markii uu kooxdaan ka tegay laba sanno ka hor. (BBC Radio 5 live).

Tababarihii hore ee Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegay in uusan fahmi karin sababta tababaraha cusub ee Sky Blues Pep Guardiola uu ugu ogolaaday 29 sanno jirka goolka qabta Joe Hart inuu amaah kula biiro kooxda Torino. (Metro).

Hart ayaa qarka u saaran inuu kasoo muuqdo kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee uu qaranka England ku wajahayo Slovakia Axada ka dib markii uu tababarka ku dhaawacmay goolhayaha Southampton Fraser Forster, wararka ayaa sheegaya inuu 28 sanno jirkaan gacanta ka jabay. (Daily Telegraph).

Guardiola ayaa waxaa sidoo kale uu dhaleeceyn kala kulmay daaficii hore ee kooxda Bayern Munich Dante, iyadoo 32 sanno jirkaani uu sheegay in tababaraha reer Spain uusan bani aadam ahaan aheyn heerkii loogu talogalay. (Bild – Dalka Germany).

Tottenham ayaa dalab ka gudbisay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Morgan Schneiderlin laakiin tababaraha kooxda ka dhisan Old Traford Jose Mourinho ayaa horjoogsaday heshiiskaan una sheegay 26 sanno jirka France u dhashay inuu door ku leeyahay qorsheyaashiisa kooxda. (Daily Mail).

Xiddigii hore ee qadka dhexe ee qaranka England Danny Murphy ayaa sheegay inuu la dhacay shaqada ay Tottenham ka qabatay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagaan. (BBC Radio 5 live).

31 sanno jirka daafaca dambeedka midig Arsenal Mathieu Debuchy ayaa sii joogi doona Gunners inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay kooxda reer Spain ee Espanyol dalab kasoo gudbisay maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga. (Squawka).

23 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Marcelo Brozovic ayaa si shaqsi ah isaga diiday ku biirista kooxda Chelsea si uu usii joogo kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A. (Goal).

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa horjoogsaday heshiis amaah ah oo uu koox kale kula biiri lahaa weeraryahanka ay milkiyaddiisa leedahay Gunners una ciyaara kooxda Leeds United Yaya Sanogo, oo 23 sanno jir ah. (The Sun).

24 sanno jirka qadka dhexe ee Gunners Jack Wilshere ayaa heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah ugu wareegay kooxda Bournemouth, laakiin wakiillada xiddigaan ayaa doonayey inuu ku biiro kooxda AS Roma oo ay heshiis la meeldhigeen. (BBC Radio 5 live).

32 sanno jirka qadka dhexe ee Manchester United Bastian Schweinsteiger ayaa kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray qaranka Germany, taageere ayaana garoonka usoo galay si uu sawir ula galo isla markaana hab u siiyo. (Metro).

27 sanno jirka qadka dhexe ee Man United Henrikh Mkhitaryan ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka Manchester derby ka dib markii uu garoonka dhaawac uga baxay kulankii qarankiisa Armenia ay wajaheen Czech Republic. (The Sun).

Juventus ayaa ku guuldarreysatay saxiixa 27 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Zenit St Petersburg Axel Witsel ka dib markii uu 13 saacadood xiddigaani joogay kooxdaan isagoo sugayey in heshiiskiisa la isla meeldhigo. (Gazzetta World).

Manchester City ayaa amaah ku bixisay afar xiddig maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga laakiin weli waxay mushaar ahaan uga qaadan doonaan 13.5 milyan oo ginni. (The Times).

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa saxiix sameeyey maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga wuxuuna keensaday ilaaliyihii kooxda Atletico Madrid Gerardo Guzman. (The Sun).

Kubadsameeyaha Real Madrid Isco ayaa bartilmaameed u ahaa Tottenham maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, laakiin saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Sergio Ramos ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu 24 sanno jirkaani sii joogay Los Blancos. (FourFourTwo).

Daaficii hore ee kooxda AC Milan iyo qaranka Italy Alessandro Costacurta, ayaa sheegay inuu ahaa taageere Arsenal ah, sidaasi darteed uu doortay in uusan u saxiixin kooxda Tottenham Hotspur markii uu dhallinyarada ahaa sababtoo ah taasi wuxuu u arkay khiyaamo. (Arsenal.com).