Home » Arimaha Bulshada » Wax Ka Barro Hababka Aad Ku Cabiri Kartid Jeceylkaaga Adigoo U Marayo Qaabab Aad U Fudud.

Wax Ka Barro Hababka Aad Ku Cabiri Kartid Jeceylkaaga Adigoo U Marayo Qaabab Aad U Fudud.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 27-08-16 9:51 AM

Lamaane kasta oo nolosha wadaagaya haday yihiin qaar is jecel oo haasaawe ku jira iyo hadday yihiin qaar jacaylkaasi ka midho dhaliyay waxay ubaahan yihiin inay cabbiraan dareenkooda ku aadan jacaylka uu qofka kale uqabo taasoo muhiim u ah xiriirka lamaanahaasi Halkan waxaan kusoo koobi doonaa qaar ka mid ah habka iyo siyaabaha uu qofku ku cabiro jacaylkiisa khaasatan marka uu tusayo jacaylkiisa qof uu jecel yahay Shabakadda Somalistars.net ayaa idin soo gudbin doono arimo ku saabsan .

Kalmad dadka jacaylkooda ku cabira hadalkoodu waxay noqon karaan dadka u dhaqma. Markasta wuxuu lamaanihiisa ku dhahaa “waan ku jeclahay” “macaaneey/macaanoow waan kuu xiisay maanta” “markasta waan kugu fikiraa” “noloshayda adaa ugu muhiimsan” iwm.

Maadaama oo ay kooxdani jacaylkooda ku cabiraan hadal uma baahna inay u sheegaan lamaanahooda waxay dareemayaan, maadaama oo ay kalmad ku cabireen.
Ficil

dadka jacaylkooda ku cabira ficilkoodu waxay noqon karaan dadka u dhaqma sidan. Xaaskiisa markuu rabo inuu tuso jacaylka uu u qabo wuxuu u qabtaa hawlaha ay jeceshahay inuu uqabto oodhan, ninkeeda waxay u karisaa cuntada mida uu ugu jecel yahay iyadoo u raacisa inay isu qurxiso si uu jecel yahay iwm.

Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira ficilkooda waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay ficilkaaga.
Wakhtiga

Dadka jacaylkooda ku cabira wakhtigu waxay noqon karaan sidan. Waa dadka wakhtigooda qaaliga ah u quudhay inay siiyaan ku way jecel yihiin, wuxuu jacaylkiisa cabiraa wakhtiyo uu isagu u arko inay fiican tahay, wuxuu ihtimaamka siiyaa wakhtiyo khaasa oo xasuusleh inay wada qaataan la maanihiisa, wuxuu xasuustaa markasta wakhtiyadii ay soo wada qaateen xasuuso wanaagsan, wuxuu kusii fikiraa oo uu sii qorsheeyaa wakhtiga kale ee uu u arko inay munaasab tahay sida dalxiis iwm.

Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira wakhtigu waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay sida aad isoogu mashquuliso inaad heshaan wakhtiyo idiin khaasa.
Hadiyad

Dadka jacaylkooda ku cabira hadiyadu waxay noqon karaan sidan. Waxay isku taxalujiyaan sidii ay lamaanahooda ugu keeni lahaayeen hadiyadba mida ay ka qurux badan tahay mida kale, kama fikiraan lacagta iyo qiimaha ay bixinayaan mar hadii ay kaga farixinayaan lamaanahooda, markasta oo uu arko wax cajabiya oo qurux badan wuxuu ku fikiraa sidii uu ugu iibin lahaa lamaanihiisa, hadii uuna hayn lacagna wuxuu isku dayaa inuu u uruuriyo si uu ugu iibiyo mar ay ahaataba.

Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira hadiyadu waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay sida aad markasta ugu keento hadiyadaha qaaliga ah.