Home » Arimaha Bulshada » Wax Ka Ogow 6-ka Khatarood Ee Mobile Ku Caafimaad Ahaan Lee Yahay?

Wax Ka Ogow 6-ka Khatarood Ee Mobile Ku Caafimaad Ahaan Lee Yahay?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 14-08-16 10:12 AM

1-Faro Xanuun:qofka oo in badan qora fariimo,sidoo kalena ciyaara ciyaaraha Games ka loo yaqaano waqti badana ku lumiya ,waxay keentaa inuu ka qaado faro xanuun,taas oo isu bedeli karta marka dambe ,kaas oo gaadhi kara caabuq gacmaha ku dhasha.

2-La Qabatin:waxa kale oo qofku si fudud ula qabatimaan ,sida lagu sheegay daraasad la sameeyey sannadkii 2012 kii,taas oo lagu sheegay in 66% dadka isticmaalaa ay si fudud ula qabsadaan mobile ka,,iyaga oo ka cabsada inay lubiyaan taleefankooda Gacanta.

Sidoo kale dhalinyaradda da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 29 sanno jirku waxay caadaysteen inay Mobiles kooda ku dhex isticmaalaan meelaha Xamaamada ah.

3-Mukhaadaraadka:marka loo eego caalamka waxa laga bartaa sidoo kale mukhaadaraadka,iyada oo laga iibin karo ,sidoo kalena laga iibsan karo,waxaanay taasi khatar badan ku haysaa  wadamo badan,gaar ahaa wadanka Mexico oo lagu sheegay qormada.

4-Shucaac Badan:mobile ku inta badan waxa uu soo daayaa waxyaalo Shucaac ah,kuwaas oo marwalba khatar ku ah qofka,waxaanay inta badan dilaan unugyada dhalmada ee qofkaasi iyo Kansarka,gaar ahaana marka uu jeebadaha gashado,jeebadaha oo ah meelaha ugu badan ee la geliyo Mobile ka.

5-Gariirka:Gariirka Mobile ku waxa uu sidoo kalena dadka ku keenaa inuu qofkaasi kala kulmo dhibaatooyin badan,gaar ahaana isaga oo waxyeelo weyn soo gaadhsiiya xididada wadnaha iyo kuwa dhiiga qaada ,waxaanu gariirkaasi sababi karaa inuu qofkaasi ka naxo una dhinto.

6-Hurdo la’aan:hurdada oo yaraata ayaa noqotay qoddobka sagaalaad,iyada oo dhibaatooyin badan keenta hurdo la’aantu,gaar ahaana inay dhiiga qofka dhinto ama hoos u dhigto,taasina ay jidhka ka xidho cuntooiyinkii nafaqadoodu gaadhi lahayd.