Home » Arimaha Bulshada » Wax Kabaro Heerka Waxbarasho Ee 13 Madaxweynayaal African Ah.

Wax Kabaro Heerka Waxbarasho Ee 13 Madaxweynayaal African Ah.
Waxaa Qoray: Abdishakur Geesey /////////// Taariikh: 9-10-16 8:33 PM

Waxbarshada ama Aqoonto waxay lagama marmaan u tahay qofkasta oo manta dunida kunool. Sidaasi oo kale qofkasta oo guuleysta waxaa asal u ah guushiisa aqoon,  hadii aad tahay hugaamiye aqoonyahan ah oo jacel in uu gaarsiiyo hormar iyo meel wanaagsan dadkiisa waa hubaal in aad guuleysaneyso. Laakiin dunida ma jirto hugaamiyo aan aqoon laheyn ama jaahil ah oo guuleysta.

Iyadoo ay jiraan madaxweynahyaal African ah, oo an heysan shahaadada heerka koowad ee jaamacad bachelor’s degree, ama xitaa shahado dugsi sare ah, dhinaca kale waxa jira qaar kamid ah hugaamiyaal katirsan 54 dal ee xorta ah ee afrika oo heer ka gaaray waxbashada sare, Todobo ka mid ah waxay gaaren darajaada Master degreega halka 6 kamid ah ay gaareen Darajada PHD ah.

13) Hassan Sheikh Mohamud (Somalia)

xasan-sheekh-maxamuud1

Hassan Sheikh Mohamud maxaweynaha dowlada federalka somaliya , dugsigiisa dhaxe iyo sare waxaa uu ku so qaatay Degamada jalalaqsi ee gobolka hiiraan, halka waxbarshada heerka kowaad ee jamaacada uu ku so qaatay magaalada mudisho, heerka labaad Ee Master degree oo ku so qaatay dalka Hindiya.

Wax barashadiisa : Master degree Technical Education (M.Tech Edu) Jaamacada Bhopal University Dalka Hindiya. Bachelor of Technology (B.Tech.) Jaamacada Umadda Somaluyeed.

12) Hage Geingob (Namibia)

hage-geingob

Hage Gottfried Geingob Madaxweynaha dalka Namibia, waxbarshadiisa hore waxa uu ku so hoos qaatay nidaamka Bantu Education System 1958, halka waxbarshada heerka kowaad Ee jamaacada Magaalada Philadelphia 1964 si lacag la’aan ah , heerka labaad Ee Master degree oo ku so qaatay Magaalada newyork.

Wax barashadiisa : Master degree of Arts in International Affairs (M.A.I.A.), Jaamacada Philadelphia University.  Bachelor of Arts (B.A.) Jaamacada Fordham University.

11) Jorge Carlos Fonseca (Cape Verde)

download-1

Jorge Carlos Fonseca, ilaa iyo bishii  9 Sep 2011 Madaxweynaha aha  dalka Cape Verde una adeegaye dadkiisa,  waxbarshadiisa hoose iyo dhex waxa uu ku soo qaatay dalkisa, halka waxbarshadiisa heerka kowaad iyo tan labaad uu ku so qaatay dalka Portugal.

Wax barashadiisa: Master degree of in Legal Sciences (M.S.L).  Bachelor of Laws (LL.B.)

10) Ellen Johnson Sir leaf (Liberia)

president-ellen-johnson-sirleaf

Ellen Johnson Sirleaf, Waa Haweyneyda Madaxweynaha Dalka Liberia, waxaa uu wax ku so bartay College west africa iyo  Madison Business College sido kale 1970 waxa uu ku so biiray machadka the Economics Institute in Boulder, Colorado.

Wax bara shadeeda: Master of Public Administration (M.P.Adm.), Bachelor of Laws (LL.B.). Bachelor of Economics (BEc), Associate Degree in Accounting (A.A).

9) Faure Gnassingbe (Togo)

faure-gnassingbe

Madaxweynaha dalka  galbeedka Africa ku yaal ee Togo, waxa uu dhamastay kaliyah waxbarshadiisa dugsiga sare, kadibna waxaa uu magaalada paris ee dalk faransa ku so diyaariyay heerka kowaad ee jamacadda halka heerka labaad ee jamacada uu ku so diyaariyay magaalada Washington.

Wax barashadiisa: Master of Business Administration (M.B.A), Bachelor of Laws (LL.B.). Bachelor of Business (B.B.A)

8. Robert Mugabe (Zimbabwe)

robert-1024x683

Robert Mugabe, wa madaxweynaha dalka Zimbabwe, ahnne madaxweynaha ugu da’da weyn Africa. Waxa uu diyaariyay laba shaahado oo heerka labaad ah ee Master Degree,  iyo labo shahaado oo heerka koowad ah Bachelor Degree, sido kale in kabadan lix shahaado waxaa ku qaaatay program ka ah Distance Education Waxbarshda Fogaan Dhigasho ah.

Wax barashadiisa : Master of Laws (LL.M.), Master of Science (M.Sc), Bachelor of Laws (LL.B), Bachelor of Science (B.Sc), Bachelor of Education (B.Ed), Bachelor of Administration (B.A.A), Bachelor of Arts (B.A.)

7) Ibrahim Boubacar Keïta (Mali)

ibk-1

Ibrahim Boubacar Keita, tan iyo bishii 4 Sep 2013 ahaa Madaxweynaha dalka Maali una adeegaye dadkiisa, sido kale waxaa uu wax ku so bartay maagalooyinka paris iyo Dakar ee dalalka senegal

Wax barashadiisa : Master of Political Science (M.S.), Master’s degree in History (M.A.)

6) Dr. Ameenah Gurib (Mauritius)

mauritus-ameenah

Ameenah Gurib-Fakim, waa haweneyda madaxweynaha ka ah dalka Mauritius, kadib markuu uu dhameysatay waxbarashadeda dugsiga hoose iyo sare, waxaydalka Englisha u aaday si ay uu so dhameysato waxbarashadeeda jaamacada .

Wax barashadeda: PhD in Organic Chemistry , Bachelor of Science in Chemistry (B.Sc.)

5) Dr. Mulatu Teshome (Ethiopia)

mulatu-teshome-wirtu-4

Dr. Malatu Teshome, oo ah Madaxweynaha an awooda laheyn ee dalka Ethiopia, isagoo wax ku so bartay dalka china.

Wax barashadiisa:  Ph.D. in International Law, Bachelor’s Degree in Philosophy (B.Phil.)

4) Alassane Ouattara (Côte d’Ivoire)

download-3

Dr Alassane Dramane Ouattara, waa madaxweynaha dalka Côte d’Ivoire
Wax barashadiisa:  Ph.D. in Economics, Master of Economics (M.Econ.), Bachelor of Science (B.S.),

3) Dr. Peter Mutharika (Malawi)

apm-mutharika

Dr. Peter Mutharika, oo ah madaxweynaha dalka Malaawi, waxa uu wax kaso bartay jaamacada Yale University ee dalka USA.
Wax barashadiisa:  Doctor of Juridical Science (J.S.D.), Master of Laws (LL.M), Bachelor of Laws (LL.B.).

2) King Mohammed VI (Morocco)

mohammedvi

Boqorka Lixaad ee dalka Morocco, Mohammed VI, waxaa uu dhameystay waxbarshadiisa Dugsiga Hoose iyo Sare asagoo ku so qaatay Royal College dhinaca kale waxbarshadiisa heerka kowad waxa ku qaatay jamacada University at Agdal isla dalka Morocco halka uu heerka labaad uu ku so qaatay jaaamacada ku taal magaalada nice ee dalka faransiiska oo layiraa the French University of Nice Sophia Antipolis.
Wax barashadiisa:  Doctor of Law (J.D.), Master of Advanced Studies (M.A.S.), Bachelor of Laws (LL.B.)

1) Dr. Thomas Boni Yayi (Benin)

Dr. Thomas Boni Yayi

Dr. Thomas Boni Yayi  waxa uu dalkiisa u adeegaaye tan ilaa iyo bishaa april 2006, waxaa uu dhameystay waxbarshadiisa heerka labaad asagoo bartay cilmiga dhaqaalaha ee jamaacada Umadda ee dalkasi Benin the National University of Benin. Sido kale waxaa uu sii watay waxbarshadiisa waxaan magaalda Dakar ee dalka Senegal ku so qaatay shahaadada kale  ama Darahada PHD, jamacada The University of Orléans.

Wax barashadiisa:  PhD in Economics and Political, Master of Economics (M.Econ.)

W/Q : Abdishakur Gesey

Xigasho : www.africaranking.com