Home » Arimaha Bulshada » Waxaan ka helay aabahey Boogga Facebook “Sheeko dhab ah oo dhacday”

Waxaan ka helay aabahey Boogga Facebook “Sheeko dhab ah oo dhacday”
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-08-16 11:39 AM

Farxiyo iyo aabaheed

“Hambalyo waxaan kuu helnay abaahaa” Farxiya fariin ugu soo dhacday sanduuqeeda ayaa sidaas cinwaan u aheyd.

“Waan amini waayey markii aan helay warbixinta” Farxiya ayaa sidaas tiri “Waa riyo ii rumowday. Balse had iyo jeer waxaan maanta ku hayey in maalin un ay dhici doonto inaan helo aabahey” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Farxiya ayaa bilowday iney weydiiso hooyadeed sida uu aabaheed u egyahay dhaqamadiisa iyo waxyaabo kale markii ay soo weynaatay oo ay soo caqliyeysatay.Farxiya iyo hooyadeed

“Waxa ay igu dhihi jirtay istaag miraayadda” Farxiya ayaa sidaas u sheegtay BBC da qeybteeda English ka “Waad u egtahay, isaga ayaad u egtahay, sidiisa oo kale ayaadna u dacwo badan tahay” Hooyadeed ayaa sidaas ugu jawaab celin jirtay Farxiya.

Farxiya waxa kaliya oo ay ka heysatay aabaheed ayaa ahaa sawir yar oo ay xusuus ahana u heysatay sawirka ay heysatay xitaa waxa uu ahaa Nuuca Black and White ka loo yaqaan oo ah sawiradii berri samaadkii la gali jiray.

Sayid

39 Sanno jirtan ayaa ku dhalatay Leningard, waxa ayna hadda ku sugan tahay St Petersburg, 1976 kii ayeyna iska dhaleen hooyo Ruush ah iyo aabe Soomaali ah.

Sayid Axmed Shariif oo ah aabaha dhalay Farxiya waxa uu kamid ahaa dhalinyarro Soomaali kuwaas oo lagu casuumay iney wax ka bartaan Midowga Soofiyeed “Soviet Union”, USSR ayaana xilligaas taageero nicac waliba u fidin jirtay dalalka ku yaala qaarada afrika.

Sayid Axmed iyo Hooyada dhashay farxiya ayaa go’aan ku gaaray iney is guursadaan, balse sanad kadib dhalashada Farxiya waxaa qarxay dagaalkii 77 ka oo u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya, Dagaalkan ayaana keenayey iney isqilaafaan dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka, Ruushka ayaana xilligaas xulufo la noqday Itoobiya.

Ciyaal

“Waan ogaa inuusan meel cidlo ah inoogaaga dhaqaaqin, waanse ogaa inuusan ina deyrin, balse duruufo jiro awgeed” ayey Farxiyo ku bayaanisay hadalkeeda.

“Hooyadeey iyo aniga waxaa booqasho u aadi jirnay ayeeyadeyda oo ku nooleyda Galbeed Siberia, kadib markii aan raadiyaha ka maqalnay in dagaaladii sokeeya ay dilaaceen”.

Sayid axmed Shariif ayaa boorsooyinka kasoo laa laabtay dalka kadib markii loo sheegay iney 24 saacadood gudahooda kaga baxaan ruushka dhamaan dadkii watay jinsiyada soomaalida, waxa uuna usoo socdaalay dalka Soomaaliya, waxa uuna kaga soo tagay warqad ay ku qornaayeen halka ay Muqdisho ka daganaayeen reerihiisa.

Halkan hoose ka aqriso sida ay Farxiyo u baahisay aabaheeda.

Baafinta Farxiya