Home » Arimaha Bulshada » WWE: Xiddiga Musaaricada Finn Balor Oo Maray Qalliin Garabka Ah

WWE: Xiddiga Musaaricada Finn Balor Oo Maray Qalliin Garabka Ah
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 24-08-16 2:59 PM

Finn BalorLegdanyahanka u diiwaan gashan shirkadda WWE Finn Balor ayaa maray qalliin garabka ah horraantii Talaadadii.

Dhaawacaan ayaa soo gaaray legdanyahankaan intii lagu jiray ciyaartii uu yiilay suunka cusub ee WWE Universal Championship ee bandhiggii SummerSlam kaasoo dhacay Axadii.

35 sanno jirkaan Balor ayaana lagu qasbay inuu iska dhiibo suunka WWE Universal Championship habeenkii xiggay ee Isniintii intii lagu jiray bandhiggii Monday Night RAW – maadaama uusan awood u laheyn inuu difaacdo suunkiisa Isbuuc kasta.

Shirkadda WWE ayaan shaacin mudada uu riingaha ka maqnaan doono Balor, laakiin waxaa la filayaa inay soo kabashadiisu qaadato muddo afar illaa lix bilood.