Home » Arimaha Bulshada » Xaaskaaga Oo Uur kuu leh sidaan ma u gali lahayd -Sheeko xanuun leh

Xaaskaaga Oo Uur kuu leh sidaan ma u gali lahayd -Sheeko xanuun leh
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 10-07-16 11:50 AM

Waxaan Go`aansaday inaan idiin dulmaro arin igu dhacday mudo kahor ilaa hadana ihaysata , aad ayaan run ahaantii ugu wareeray , waxaana rabaa inaan idiin sheego si aad iiga siisaan talo walalayaal.

Kadib markaan guursaday Nin , aan u malaynayay inaan cimrigayga inta iiga dhiman la wadaagi doono farxad & rayn rayn laakiin waxaa kala kulmay dhibaato kala duwan .

Waxaan ahayn Qoys raadiya in ay helaan caruur waliba dadaal dheer u gali jiray sidii ay ku heli lahaayeen caruurtaas , 4sano kadib ayaan waxaan yeeshay uur.

Intii aan la noolaa ninkaan waxaan ogaa inuu ahaa nin aniga qiyaano igu wada , waxaan marar badan kala hadlay qiyaanada uu igu wado inuu joojiyo , run ahaantii wuuna inkiri jiray inuu yahay nin qiyaano igu wada , waana iska dayn jiray waliba xiligii aan uurka lahaa .

Maalin ayaa waxaa xaafada nagusoo Booqday dhalinyaro badan oo ay ku jirto gabar uu yaraantiisii jeclaa waliba waxaan u fahmay in dhalinyaradaan ay ahaayeen kuwo wato qorshe ay labadaan qof ku kulmayaan , maalintaas si aad ah ayaan uga xumaaday waana kala hadlay wuxuuna ii sheegay inuu aniga kaliya Ijecelyahay.

Waxaan Go`aansaday inaan la joogo sababtoo ah waxaan lahaa uur , waxaadna dareemi kartaa naag uur leh oo gurigeeda dhibaato qabsato , waxaana sidoo kale go`aansaday inaan dulqaato inta aan kadhalayo .

Hada waan dhalay alxamdulillah , cunigaygana wuu caafimaadqabaa , aniga iyo aabaha dhalay cuniga dhamaanteen waan jecelnahay cunigeena waana ku faraxsanahay noloshiisa , lakiin xiriirka naga dhexeeya aniga iyo ninkayga maahan xiriir shaqayn kara , mana iloobi karo waxa uu igu sameeyay waliba xili aan dhibanaa , wuxuu lumiyay aaminaadaydii & waliba jaceylkii an u qaaday , waxaana rabaa inaan iska furo