Home » Ciyaaraha » Xanta Kooxda Tottenham oo lasoo wareegaysa gooldhaliye rer Holland ah

Xanta Kooxda Tottenham oo lasoo wareegaysa gooldhaliye rer Holland ah
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 9:08 AM

Tottenham ayaa wadahadal la furatay ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Netherlands Vincent Janssen, sida lagu daabacay majaladda  De Telegraaf.

21-sano-jirkan weerarka ka ciyaara ayaa dhaliyay  27 gool xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2015-16 – waana markiisii ugu horeysay oo uu ka qeyb galo ololaha horyaalka, sidoo kale seddax gool ayuu dhaliyay shantii kullan ee ugu horeysay oo uu soo matalay xulkiisa.

Janssen ayaa kadib guushii sabdiga ay ka gaareen Austria waxaa uu sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxdiisa  Alkmaar, islamarkaana uu aadayo kooxaha ka xiiseynaya  Premier League.

Warbaahinta Dutch-ka ayaa warineysaa in ciyaaryahanka No.9 uu talaadadii tagay  London, waxaana warfidiyeenada  England ay shaaciyeen in ciyaaryahankaasi £12 million uu ugu dhaqaaqayo islamarkaana ay labada koox ku wada heshiiyeen.