Home » Ciyaaraha » XANTA SUUQA: Alvaro Arbeloa Ayaa La Helay Macalinka Uu La Midoobidoono Xilli Ciyaareedka Soo Socda, Benitize Ama Ancelotti??

XANTA SUUQA: Alvaro Arbeloa Ayaa La Helay Macalinka Uu La Midoobidoono Xilli Ciyaareedka Soo Socda, Benitize Ama Ancelotti??
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:31 AM

Daafaca kooxda Real Madrid Alvaro Arbeloa ayaa waxaa hada lala xiriirinayaa inuu la midoobidoono Macalinkii hore ee kooxda Liverpool iyo Chelsea, Real Madrid ee Macalin Benitize.

Mar haddii uu lala xiriirinayo Macalinkaasi waxaa xidigaan ka ciyaaridoonaan horyaalka England qeeybta labaad maadaama Newcastle United uu u dheelidoono.

33-sano jirkaan ayaa lagu helidoonaa si bilaash ah maadaama uu dhamaaday waqtigii uu heshiiska kula jiray kooxda Real Madrid.

Newcastle United ayaa xiiso u qabta inay hesho ciyaaryahan ku wanaagsan daafaca bidix , maadaama badi laga yaabo in xidigaha ay ka tagaan.

Alvaro Arbeloa ayaa 233 kulan u saftay kooxda Real Madrid waxaana uu kooxda ku sugnaa todobo xilli ciyaareed , laakiin ma helin waqti wanaagsan uu kooxda la qaato.

Si walba kooxda Newcastle United ayaa xidigaan u dooneysa booska ciyaaryahan Steven Taylor oo kooxda ka tegikara , sidoo kale xidigaan ayaa dhaawacan.