Home » Ciyaaraha » Xeebaha Rio De Janeiro Oo Lagu Duubay Aflaan Galmo Ah Ka Bilowga Hor Ciyaaraha Olympic Games

Xeebaha Rio De Janeiro Oo Lagu Duubay Aflaan Galmo Ah Ka Bilowga Hor Ciyaaraha Olympic Games
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-07-16 2:39 PM

NINTCHDBPICT000252289223Xiddigaha aflaanta galmada ayaa lagu arkay xeebaha caasimadda dalka Brazil ee Rio de Janeiro taasoo Isbuucyo gudahood martigelin doonta ciyaaraha Olympic Games.

Dadka ku nool caasimadda Rio de Janeiro, Brazil ayaa la yaabay muuqaallada laga soo duubay halkaas.

Shaqsiyaadka laga duubayey muuqaalkaan ayaana kala ah labada shaqsi ee aflaanta galmada aadka looga garanayo gabadha Nicolle Bittencourt, oo 27 sanno jir ah iyo wiilka Yuri Machado, oo 33 sanno jir ah, kuwaasoo labaduba u dhashay dalka Brazil.

Muuqaallo taleefoonnada gacanta looga soo duubay ayaana waxaa daawaday kumanaan shaqsi ka dib markii lasoo dhigay baraha bulshada iyadoo adduunku uu la yaabay in magaalada Isbuucyo gudahood martigelin doonta ciyaaraha Olympic Games, xeebeheeda soo jiidashada leh lagu duubayo aflaantaan galmada ah.

Halka ay doorteen inay ku duuban muuqaalkaan waa goobta caanka ah ee Recreio dos Bandeirantes, hubanti arrinkaani wuxuu sumcad xumo usoo jiidayaa caasimadda Rio de Janeiro ka hor ciyaaraha Olympic Games oo bilaaban doona 5ta bisha soo aadan August.