Home » Ciyaaraha » Xilliga Uu Garoomada Kusoo Laaban Doono Xiddiga Barcelona Lionel Messi Oo Daaha Laga Qaaday

Xilliga Uu Garoomada Kusoo Laaban Doono Xiddiga Barcelona Lionel Messi Oo Daaha Laga Qaaday
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-10-16 1:08 PM

lionel-messi-injury-messi-injured-groin-barcelona-soccer-injuries1

Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya inuu garoomada kusoo laabto kulanka Sabtida ay kooxdiisu wajaheyso Deportivo La Coruna ka dib dhaawac uu muddooyinkii ugu dambeeyey uu garoomada uga maqnaa.

Wargeyska El Mundo Deportivo ee dalka Spain ayaa ku waramaya inuu Messi isha ku hayo inuu qeyb ka ciyaaro kulankaas ay Barcelona wajaheyso Deportivo La Coruna, si uu door muhiim ah uga ciyaaro kulanka UEFA Champions League ay Catalans ku wajaheyso Manchester City.

Messi ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo 21kii bishii September ka dib dhaawacii gumaarka ahaa ee kasoo gaaray kulankii Atletico Madrid, waxaana xusid mudan inuu seegay ciyaarihii Sporting Gijon iyo Borussia Moenchengladbach kulamadaas oo ay Barcelona badisay, halka uu sidoo kale seegay kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Celta Vigo.

Kabtanka xulka Argentina ayaa sidoo kale seegay kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka ee uu qarankiisu wajahay Peru iyo Paraguay. Sida laga soo xigtay wargeyska El Mundo Deportivo, Messi wuxuu haatan qarka u saaran yahay inuu ciyaaro kulanka horyaalka La Liga ee u dhexeeya Barcelona iyo Deportivo La Coruna kana dhici doona Nou Camp Stadium, waxaana jirta aragti ah inuu keydka kusoo bilowdo isla markaana uu kulanka soo galo qeybta labaad.

Marka uu kulankaas garoomada kusoo laabto, Messi ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo safka koowaad ee Barcelona ciyaarta ay wajahayaan kooxda ka ciyaarta horyaalka England Premier League ee Man City 19ka bishaan October, markaasoo uu tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola kusoo laaban doona garoonka Nou Camp Stadium.

Messi ayaa garoomada ka maqnaa seddaxdii Isbuuc ee ugu dambeeyey, laakiin waxaa la filayaa inuu tababarka dib ula bilaabo dhammaan ciyaartoyda kooxda Barcelona maanta oo Talaado ah ka hor inta uusan tababarka buuxa dib ugu soo laaban Khamiista.

Barca ayaa haatan kaalinta 4aad uga jirta kala sarreynta horyaalka La Liga iyadoo leh 13 dhibcood, waxayna laba dhibcood ka dambeysaa hogaamiyeyaasha horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.

Soolaabashada Messi ayaa khabar wanaagsan u noqon doonta Barcelona, oo isku diyaarineysa laba kulan oo xiriir ah oo ay foodda dareyso Man City ciyaaraha heerka koowaad ee Champions League, ka hor inta aysan u safrin Valencia iyo Sevilla ciyaaro ka tirsan horyaalka La Liga.