Home » Ciyaaraha » Xilliga Uu Sida Rasmiga Ah Usoo Laabandoono Sergio Ramos Oo La Shaaciyey

Xilliga Uu Sida Rasmiga Ah Usoo Laabandoono Sergio Ramos Oo La Shaaciyey
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-10-16 1:18 PM

Sergio+Ramos+Spain+v+Italy+UEFA+EURO+2012+3N1Q0njAehbl

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa garoomada ka maqnaan doona dhowr Isbuuc ka dib dhaawicii daafacaan dambeedka dhexe kasoo gaaray kulankii uu xulka Spain guusha ka gaaray xulka Spain guusha ka gaaray xulka Albania 9kii bishaan October.

Real Madrid ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku xaqiijineyso dhaawac soo gaaray daafaceeda, laakiin ma aysan shaacin mudada uu garoomada ka maqnaan doono. Keliya waxaa bayaankaan lagu xaqiijiyey in uusan Ramos diyaar u noqon doonin kulanka xigga ee xulka Spain ee ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka.

Laakiin, wargeyska Sport ee gobolka Catalonia ayaa shaaciyey inuu Sergio Ramos garoomada ka maqnaan doono illaa 20ka November ka dib markii ay xog ka heshay natiijada baaritaankii Isniintii lagula sameeyey Sanitas La Moraleja University Hospital.

Natiijadii kasoo baxday baaritaankii lagu sameeyey 30 sanno jirkaan ayaa waxaa lagu ogaaday inuu qabo dhaawac derejada labaad oo jilibka ah. Warbixinta wargeyska Sport ayaana sheegeysa inuu Ramos garoomada kusoo laaban doono kulanka Madrid derby ee u dhexeeya kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ee horyaalka La Liga kaasoo dhici doona 20ka November.

Sidaas darteed, Ramos wuxuu seegi doonaa ciyaaraha ay Los Blancos wajaheyso Real Betis, Athletic Club, Alaves iyo Leganes ee horyaalka La Liga iyo labada kulan ee tartanka UEFA Champions League ee ay ku wajaheyso kooxda Legia Warsaw.