Home » Ciyaaraha » Yaab: Cristiano Ronaldo oo ka Hadlay Sababta Ka Dambesay in ee kale tagaan Saaxibadiisa Irina Shayk (Warbixin)

Yaab: Cristiano Ronaldo oo ka Hadlay Sababta Ka Dambesay in ee kale tagaan Saaxibadiisa Irina Shayk (Warbixin)
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 3-09-16 8:19 PM

Laacibka Xulka Portugal Iyo Kooxda  RealMadrid Cristiano Ayaa Markale Ka Hadlay Sababtii ay Ukala tageen Saaxibtiisii Hore ee Irina Shayk.

Ronaldo oo ka qayb Galayay Bandhig Lagu qabtay Madrid Waxaa Wax Laga Waydiiyay Waxyaabihii Keenay Inay kala tagaan Gabadha Modelka Dharka Xayaysiisa ee Irina Shayk Wuxuuna Ka sheekeeyay Sababtii Ugu waynayd ee kala gaysay.

Ronaldo oo Ka Sheekeynaya Arintaas Wuxuu yiri”Marki ugu Horeysay ee Aan Isku dhacno waxay Aheed Markii irina igu Tiri -Marwalba Maxaad Hooyadaa Noogu Soo Kaxaysaa Anigaba Waalidkayga Xaafada Ayaan uga soo Tagaaye?. Ana Waxaan ku iri Wax Walba oo dhaca Hooyadeey Kama Tagi Karo,Midaas ayay dhibsatay Sababtaas ayaana Ugu waynayd Kala Tageena,Aniga ahaan Qofkaan Waalidkayga igu Jecleyn Ma Wada Socon karno”.

 Ronaldo Iyo Irina ayaa Wada Socday mudo Shan Sano ah Laakiin Bishii janaayo Sanadkii Hore Ayay kala tageen.